Vadsø: Dil uu geystay 17-sano jir afgaanistaan kasoo jeedo oo dhaliyay hadalheyn badan

0
139

Sabtidii lasoo dhaafay waxaa magaalada Vadsø ee woqooyiga dalkan Norway lagu dilay 18 sano norwiiji ah, waxeyna boolisku dilkiisa usoo qabteen 17 sano jir kasoo jeedo dalka Afgaanistaan, kaas oo ku eedeysan inuu yahay qofka dilka ka danbeeyay.

18-jirka Norwiijiga ah ee dilka loo geystay oo lagu magacaabi jiray Håvard Pedersen ayaa xiliga la dilayay ku sugnaa dukaanka Coop Byggmix oo uu ka shaqeyn jiray. Waxeyna boolisku sheegeen in dilkiisa loo adeegsaday bir mindi ahaan loo sameeyay.  Habeenimadii axada ayay boolisku dilka Håvard usoo qabteen 17-jirka reer Afgaanistaan ee hada ku eedeysan danbiga dilka ah.

Guud ahaan Warbaahinta dalkan Norway ayaa si xoogan u hadalheyso dhacdadan, waxaana baraha bulshada ka socdo doodo ku saabsan arintan, iyada oo dad badan ay fal-celin xoogan, mararka qaar isir naceyb uu la socdo ka bixinayaan dhacdadan. Waxaana hadalheynta sii xoojinayo in wiilkan reer Afgaanistaan uu Norway magangalyo kumeel gaar ah ka helay 3 sano kahor. Wuxuuna hada kamid ahaa boqolaal dhalinyaro reer Afgaanistaan ah, oo ay ka dhacday magangalyada kumeel gaarka ah oo ay Norway ka heystaan.

Booliska ayaan ilaa hada sheegin wax xiriir ah oo ka dhaxeeyay 18-jirka la dilay, iyo 17-jirka reer afgaanistaan ee dilkiisu ay boolisku usoo xireen. Waxeyna boolisku sheegeen inay isla dhiganayeen hal iskuul oo dugsi sare ah.

Xigasho/kilde: NRK

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments