UDI-da oo diiday inay aqbasho codsiga magangalyada 95 dhalinyaro ah oo kasoo dibdhacay xiligii codsiga uu furnaa

0
120

Baarlamaanka dalkan Norway ayaa dhamaadka sanadkii hore ee 2017-ka meel-mariyay go´aan fursad cusub oo magangalyo lagu siinayo dhowr boqol oo dhalinyaro intooda badan kasoo jeedo dalka Afgaanistaan, kuwaas oo xiligaas heystay magangalyo ay waqti ku xirantahay.

Dhalinayaradan ayaa xiliga ay Norway soo galayeen da´ahaan ka yaraa 18 sano, waxeyna heleen magangalyo ku siman inta ay 18 sano ka buuxinayaan, kadibna waxaa lagu wargaliyay in lagu celin doono wadankii ay kasoo jeedeen.

Baarlamaanka ayaa ansixiyay go´aan UDI-da ku amrayay inay fursad cusub la siiyo dhalinyaradaas, mar kalena dib loo qiimeeyo baahidooda magangalyo.

95 kamid ah oo ka gaarin xiliga uu codsiga furnaa:

Sida ay qoreen qaar kamid ah warbaahinta dalkan Norway, ku dhawaad boqol kamid ah dhalinyaradaas ayaan codsiga fursad siinta cusub ee magangalyada. UDI-da ayaana diiday inay aqbasho codsigooda maadaama ay kasoo dib dhaceen xiligii uu ku ekaa xareynta codsiga oo aheyd l Waxeyna UDI-du sheegtay in go´aanka baarlamaanku uu ku ekaa xiligaas, ayna tixraacayaan.

395 kamid dhalinayradaas ay xareeyay codsigooda, waxaana dib u qiimeyn kadib mar kale diidmo helay 255 qof.

Xigasho/kilde: Nettavisen.no/NTB

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments