Sweden: Ku dhawaad 19.000 qof soomaali ah oo sadexdii sano ee ugu danbeeyay qaatay dhalashada dalka Sweden

0
88

Hey´adda socdaalka iyo jinsiyadaha dalka Sweden ayaa dhawaan soo saartay tirokoob ku saabsan dadka qoxooti ahaanta wadankaas kusoo galey, kuwaas oo sadexdii sano ee ugu danbeeyay qaatay dhalashada dalka Sweden, isla markaana noqday muwaadiniinta.

Hey´adda socdaalka Sweden ayaa sheegtay in ku dhawaad dad gaaraya 25.000 qof ay heleen dhalashada dalka Sweden, kadib markii buuxiyeen shuruuda qaadashada baasaboorka dhalashada dalka Sweden.

Dadka kasoo jeedo dalka Siiriya ayaa shantii bilood ee ugu horeysay sanadkan ahaa dadka ugu badan ee qaatay dhalashada dalka Sweden, waxaana kusoo xigo dadka loo yaqaan dowlad la´aanta/dal laawayaasha(statløs), halka soomaalidu ay kujiraan kaalinta sadexaad.

Soomaalida oo kaalintooda koowaad kujirto sadexdii sano ee ugu danbeeyay:

Tirokoobka hey´adda Migrationsverket ee sadexdii sano ee ugu danbeeyay ayaa waxaa laga dheehan karaa in soomaalidu ay kujiraan kaalinta koowaad ee isku dar dadka sadexdii sano ee ugu danbeeyay qaatay dhalashada dalkaas(Hoos ka fiiri tirokoobka oo dhan). Isku dar dad soomaaliyeed oo tiro ahaan gaaraya 19.000 qof ayaa sadexdii sano ee ugu danbeeyay qaatay dhalashada Sweden.

Soomaalida ayaa dalka Sweden si xoogan usoo gashay wixii ka danbeeyay sanadkii 2007, xiligaas oo ciidamada Ethiopia ay soo galeen gudaha Soomaaliya.

Sanadka 2018 ( ilaa 31 May)

1. Siiriya – 4 136
2. Dowlad-laawayaal – 3 158
3. Soomaaliya– 2 851
4. Ciraaq– 967
5. Afgaanistan – 757
6. Iiraan – 709
7. Poland – 695
8. Thailand – 693
9. Eritrea – 647
10. United Kingdom – 583
Sanadka 2017
1.Syria – 8 031
2.Somalia – 6 948
3. Stateless – 6 012
4. Iraq – 2 690
5. Afghanistan – 2 169
6.Thailand – 2,064
7. Poland – 1 598
8. Iran – 1 550
9. Eritrea – 1 301
10. Turkey – 1 221
2016
1.Somalia – 7 988
2. Syria – 4 098
3. Stateless – 3 624
4. Iraq – 2 939
5. Thailand – 2 180
6. Afghanistan – 2 103
7. Poland – 2 006
8. Iran -1 232
9. Eritrea – 1,068
10. Turkey – 1 063
Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments