Ruushka: Afar qoxooti soomaali ah oo laga qabtay xuduudka Ruushka iyo Norway.

0
107

Sida uu soo tabiyay wargeyska The Barents observe  afar nin soomaali ah, kana kala soo jeedo wadamada Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa lagu qabtay xuduudka dalalka Norway iyo Ruushka, iyaga oo xiligaas isku dayaya inay gooyaan silig kuyaalo xuduuda labada wadan.

Sida wargeyska u xaqiijiyeen saraakiil katirsan hey´adda nabadsugida Ruushka ee FSB, afartan nin ee soomaalida ah ayaa isku dayayay inay ka gudbaan xuduudka, si ay usoo galaan Norway.

Sida uu wargeysku sheegay dhacdadan ayaa dhacday dhamaadka bishii lasoo dhaafay ee Juun, waxeyna afartan soomaalida ah hada ku jiraan xabsi ku yaal Ruushka.

Xigasho/kilde: The Barents observe

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments