Norway oo 81 milyan $ oo dheeri ah u balanqaaday Soomaaliya

0
131
Foto: Mohamed Canbe(OPM-SOMALIA)

Dowlada Norway oo kamid ah dowladaha deeqaha ugu badan siiya Soomaaliya, ayaa balanqaaday 81 milyan oo dheeri ah oo ay ku taageeri doonto dowlada Soomaaliya. Lacagtan deeqda ah ee cusub oo ay Norway u balanqaaday Soomaaliya, ayaa ka baxsan deeqaha sanadlaha ah ee Norway ay sanadkii ku taageerto Soomaaliya.

Norway ayaa balanqaadkan cusub kaga dhawaaqday shirkii dhawaan lagu soo gaba-gabeeyay magaalada Brussels ee dalka Belgiumka, kaas oo u dhaxeeyay deeq bixiyayaasha Soomaaliya, dowlada federaalka ah iyo dowlad goboleedyada xubnaha ka ah.

55 milyan oo kamid ah lacagtan ay dowlada Norway balanqaaday ayay sheegtay inay sii marsiin doonto sanduuqa Multi Partner Fund, halka 26 milyan oo kalena ay sii mari doonto qaramada midoobay.

Norway ayaa sheegtay in lacagtan taageerada ah ee cusub ay ugu talo-gashay taageerida dib u dhiska nidaamka dhaqaale oo ay hada wado dowlada Soomaaliya, soo celinta bixinta adeega dadweynaha ee dowlada Soomaaliya iyo dib u eegista dastuurka Soomaaliya.

Reysulwasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre iyo wasiirkiisa maaliyada, Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa bartamaha bishii hore booqasho rasmi ah ku yimid dalkan Norway. Waxeyna kulamo la qaateen reysulwasaaraha Norway, Erna Solberg iyo wasiirkeeda arimaha dibadda Ine Eriksen Søreide.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments