Ka fariisashada M. Ozil ee xulka qaranka Germany oo kala qeybisay bulshoweynta Germany

0
173
Ozil

Mesut Ozil oo ah laacib khadka dhexe uga dheela kooxda Arsenal ayaa isbuuc kahor sheegay in uu go’aansaday in uusan mardambe u ciyaarin xulka qaranka ee dalka Jarmalka. War qoraal ah oo uu soo saaray ciyaartoygan 29 jirka ah ayuu ku sheegay in sidii ay ula dhaqmeen Xiriirka Kubadda ee Jarmalka ay ku dhalisay «in uusan mardambe xiranin maaliyadda uu ku dheelo xulka Jarmalka».

Wuxuu sidoo kale sheegtay in isaga oo qur ah si isir naceyb laga dheehan karo loogu eedeeyay wajigabixii uu Jarmalku kala kulmay Koobka Adduunka.

Bishii May ayaa Ozil lagu dhaliilay in uu sawir la galay madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan mar ay isugu tageen xaflad London ka dhacday. Ozil ayaa xalfaddaas ka qaybgalay isagoo uu ku weheliyo Ilkay Gundogan oo xulka qaranka ee Jarmalka ay iskala dheelaan. Ozil iyo Gundogan labadooduba asal ahaan waxay ka soo jeedaan Turkiga.

Ozil wuxuu sheegay in isaga iyo Gundogan ay madaxweynaha Turkiga kala sheekaysteen kubbad. Intaas ka dibna xisbiga talada dalka Turkiga haya ee AK ayaa baahiyay sawirro ay isla galeen, markaas waxaa socotay ol’olihii doorasha ee Erdogan uu markii dambe ku guulaystay. Wuxuuna qeexay in maadaama awoowgii uu Turkiga kasoo jeedo uu qadarin ahaan sawir ula galay Erdugan, aysana ka aheyn siyaasad ku milan, uuna isagu yahay ciyaaryahan oo kali ah, siyaasadna uusan shaqo ku laheyn.

Siyaasiyiin badan oo reer Jalmar ah ayaa su’aal galiyay daacadnimada ay Ozil iyo Gundogan u hayaan qiyamka dimuqraadiyadda Jarmalka. Waxeyna sheegeen in labadaas ciyaaryahan ay kamid noqdeen ololaha doorashada madaxweyne Urdugan, taasna ay aheyd inay ka fiirsadaan.

Ozil ayaa sheegay in isaga iyo qoyskiisaba ay soo gaareen fariimo isir nacayb ah, taleefanno loogu hanjabayo iyo fariimo baraha bulshada loo soo dhigay. Wuxuuna sheegay in sawirkaas uu marmarsiiyo u noqday dad badan oo neceb soo galootiga, gaar ahaan kuwa kasoo jeedo wadamada muslimka ah.

Ozil sidoo kale warqada uu xulka qaranka Germany kaga fariistay ku faah-faahiyay in isaga si gaar ah ay u beegsadeen xubno katirsan xiriirka kubada cagta Germany, wuxuuna calaamad su aal saaray in sababta loo ugaarsanayo isaga ay tahay inuu wadan muslim ah kasoo jeedo.

Ciyaaryahankan ayaa hadalkiisa ku daray oraah maalmahan aad looga hadalhaya baraha bulshada taas oo ah: Marka aad badino, waxaan ahay German, marka aan guuldareysano waxaan noqonayaa soo galooi.

Dadweynaha Germany ayaa aad ugu kala qeybsan arinta Ozil iyo qaabka ay ula dhaqmeen warbaahinta iyo xiriirka kubada cagta Germany. Dad badan ayaa Ozil u garaabay, sheegeyna inuu la kulmay faquuq, halka kuwa kalena ay aaminsanyihiin inay aheyd inuu ka fiirsado falkiisa, maadaama uu yahay qof caan ah oo dhalinyaro badan ay ku xiranyihiin.

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments