torsdag, mars 28, 2024

Germany: Maxkamad sheegtay inay sharci daro aheyd tarxiilka waardiyihii gaarka ahaa ee Usama Bin Laden

Jimcihii lasoo dhaafay ayay dowlada dalka Germany dalkeeda ka tarxiishay nin loo aqoonsaday inuu ahaa waardiyii gaarka ahaa ee Usama bin Laden, waxaa loo tarxiilay dalka Tunisiya.

Maxkamad kutaala dalka Germany ayaa soo saartay go´aan maxkamadeed oo ay ku tilmaameyso in tarxiilkaas uu ahaa mid sharci daro ah, isla markaana aan waafaqsaneyn shuruudaha tarxiilka.

Laamaha amaanka dalka Tunusiya ayaa ninkan xabsiga dhigay daqiiqado kadib marka ay dalkaas soo cago-dhigatay diyaaradii ninkaas waday. Ninkan ayaa horey u sheegay inuu ka cabsi qabo inuu la kulmo jirdil, hadii loo tarxiilo dalka Germany, waxaana codsiyo horey oo uu u diray aqbalay maxkamadaha Germany.

Laakiin jimcihii ayay laamaha soo galootiga dalka Germany ninka ka dajiyeen dalka Tunusiya, iyada oo maxkamad kutaal dalkaas ay codsatay in ninkaas dib loogu soo celiyo Germany. Maxkamada ayaa sheegtay in go´aanka tarxiilka ninkaas uu ahaa mid jabinaya xeerarka aas-aasiga ah ee dalkaas uga degsan tarxiilka.

Ninkan ayaa dalka Germany deganaa wax badan 20 sano, waxaana la sheegay inuu ahaa waardiyaha gaarka ah ee Usama Bin Laden mudadii u dhaxeysay 2000-2001.

Xigasho/kilde: Nettavisen

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x