Maalinta sabtida ah ee nagu soo aadan, waxaa magaalada Fredrikstad ka dhici doono shir dood siyaasadeed ah, kaas oo ay soo qaban-qaabisay madasha Maandeeq Forum.

Shirkan ayay qaban-qaabiyeyaashu sheegeen in xooga lagu saari doono falanqeynta xaalada siyaasadeed ee Soomaaliya. Waxaana kasoo qeybgali doono siyaasiyiin uu kamid yahay, Cabdirahmaan Cabdishakuur Warsame oo ah gudoomiyaha xisbiga wadajir.

Sidoo waxaa shirkan sabtida Fredrikstad ka dhici doono, kasoo qeybgali doono Prof. Yaxye Caamir, Drs. Idil Osman oo bare ka ah jaamacada SOAS universitay Of London iyo Adam Mataan oo ah agaasimaha ururka la dagaalanka qabyalaada ee ATM oo xaruntiisa ay tahay London.

legg igjen kommentar/ ka dhiibo fikirkaaga

avatar
  Subscribe  
Notify of