Dowlada Denmark: Afar sano hala xiro waalidka caruurtooda u diro dugsi quraanada dibadda ah

0
132
wasiirada arimaha soo galootiga Denmark

Wasiirada soo galootiga dalka Denmark, Inger Støjberg ayaa sheegtay inay rabto in afar sano oo xabsi ah lagu ciqaabo waalidka ilmahooda u dira dugsi quraanada kuyaal wadamada dibadda ah.

Wasiirada ayaa sheegtay in waalidka ilmahooda u dira dugsi quraanada dibadda kuyaal oo xaaladooda laga deyrinayo, ay calaamad u tahay in waalidkaas uusan ixtiraamin  dhaqan-nololeedka dalka Denmark. Wasiirada ayaa sii raaciyay in waalidka arintaas ku kaca ay waxyeeleynayaan nolosha iyo koritaanka ilmaha, sidaas darteed ay soo jeediyay in afar sano lagu xukumo waalidka arintaas sameeya.

Warbaahinta Denmark ayaa si lamid ah kuwa dalkan Norway sanadkii ugu danbeeyay si aad ah u hadalheysay sheekooyinka caruur soomaali ah oo loo dhaqanceliyay Soomaaliya, kuwaas oo sheegay inay halkaas kula soo kulmeen jirdil nafsi iyo jir ahaanba ah.

Hadalka wasiirada soo galootiga Denmark ayaa waxaa walaac ka muujiyay dad kala duwan, gaar ahaan dadka ku xeel-dheer arimaha sharciga, kuwaas oo sheegay in sharci ahaan ay adagtahay in la cadeeyo danbiga ku lugleh arinta, si waalidku ciqaab u muteysan karaan.

Norway: Waan qiimeyn doonaa

Wasiirada waxbarashada iyo isdhexgalka dalkan Norway, Jan Torre sanner ayaa dhankiisa sheegay inuu ka warqabo soo jeedinta dhigiisa Denmark, laakiin uusan ilaa hada go´aansan inuu talaabo noocaas ah qaado.

Wasiirka isdhexgalka Norway ayaa raaciyay in dowladu ay baarlamaanka u gudbisay hindise-sharciyeed ku saabsan in passportka loo diido ama laga qaado ilmaha looga shakiyo in waalidkood ay dibada u dhaqan-celinayaan.

Xigasho/kilde: NRK

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments