Aftenposten: Hooyo soomaali ah oo ay maxkamad ku xukuntay afar sano iyo bar xabsi ah: Garaacista(Jirdilka) ilmaheeda dartiis..

0
82
Illustrasjonsfoto: Glennstangeland/Wikimedia Commons.

Sida uu qoray wargeyska Aftenposten ee dalkan Norway, hooyo soomaali ah ayaa maxkamada darajada labaad ee Oslo ay ku xukuntay afar sano iyo bar xabsi ah, kadib markii maxkamadu ku heshay danbi lagu soo eedeeyay oo ah garaacista ilmaheeda.

Maxkamada hoose ee Oslo ayaa hooyadan soomaalida ah horey ugu xukuntay afar sano oo xabsi ah, halka mida darajada labaad ay xukunka ka dhigtay afar sano iyo bar.

Sida lagu sheegay xukunka maxkamada, hooyadan soomaalida ah ayaa lagu xukumay danbi lagu soo eedeeyay oo ah garaacis daran oo ay u geysatay labo gabdhood oo ay dhashay. Arintaas oo dhacday mudadii u dhaxeysay 2012 ilaa 2016. Gabdhaha hooyadan lagu eedeeyay inay garaacday ayaa da´a ahaan kala jira 8 iyo 12 sano.  Xukunka maxkamada ayaa lagu sheegay in gabdhaha jirkooda ay ka muuqdeen calaamad-nabar.

Sida uu qoray wargeyska Aftenposten, hey´adda xanaanada caruurta Norway ee Barnevernka ayaa gabdhaha si deg-deg ah gabdhaha uga wareejiyay guriga hooyadeed. Iyada oo isla xiligaana ay hooyadu Soomaaliya u dirtay labo ilmood oo kale oo ay dhashay, kuwaas oo hada ku sugan Soomaaliya.

Qareenka hooyadan soomaalida ah ayaa dhankiisa ka gaabsaday inuu war kommenti ah ka bixiyo xukunka maxkamada ee hooyadan soomaalida ah.

Xigasho/kilde: Aftenposten

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments