torsdag, mars 28, 2024

Abdirizak Ali Osman: wuxuu dugsiga sare kaga qalinjabiyay 15-lixaad(6-sekser)

Cabdirisaaq Cali Cismaan waa ardey dhalinyaro soomaali ah oo degan deegaanka Orkdal ee gobolka Trøndelag. Waxa uu dhawaan ka qalinjabiyay dugsiga sare ee Orkdal videregående, isaga oo noqday mid kamid ah labada ardey ee sanadkan natiijada ugu sareyso kaga qalinjabiyay iskuulka.

Cabdirisaaq oo Norway degan afar sano oo kali ah ayaa 15 maado oo dugsiga sare ah ka keenay natiijada lix(6 ama 100%-soomaali ahaan) oo ah tan ugu sareyso ee ardeydu ay ku baasaan. Isaga oo sideed maado oo kalena keenay natiijada shan(5-ama 95-100% soomaali ahaan). Waxuuna sidaas darteed dhamaan maadooyinka dugsiga sare kaga qalinjabiyay natiijooyinka 6 iyo 5.

Wargeyska Lokalka ah ee Avisa-Sør-Trøndelag ayaa warbixin dheer ka diyaariyay Cabdirisaaq oo wadankan Norway kalinimo kusoo galay afar sano kahor. Waxa uuna Cabdirisaaq wargeysa u sheegay in natiijada uu ka helay imtixaanada dugsiga sare ay yihiin wax uu mudo badan ka shaqeynayay.

Maamulaha iskuulka sare ee Orkdal, Kristoffer Uppheim ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsanyahay natiijada sareyso ee uu ardeygan dhalinyarada soomaaliga ah ka keenay imtixaanada dugsiga sare.

Cabdirisaaq ayaa wargeyska Avisa Sør-Trøndelag usii sheegay inuu rabo inuu jaamacada Trondheim kasii barto dhaqtarnimo ama sheybaariiste(Bio-ingeniør).

Xigasho/kilde: Avisa-SørTrøndelag

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x