Xisbiga Frp oo Donald u sharaxay bilada Nobel Peace Prize

0
99

Sida uu tabiyay NRK, labo xildhibaan oo katirsan kuwa xisbiga Frp ee baarlamaanka dalkan Norway ayaa madaxweynaha Mareykanka Donald Trump u sharaxay bilada nabada aduunka ee Nobel Peace Prize.

Per-Willy Amundsen oo ahaan jiray wasiirka cadaalada dalkan Norway iyo Christian Tybring-Gjedde oo kawada tirsan xisbiga Frp ayaa soo bandhigista u sharaxida Donald Trump ee bilada nabada aduunka ku sababeeyay kulankii uu D.T la qaatay hogaamiyaha Kuuriyada Woqooyi Kim Jong-un.

Trump iyo Kim ayaa talaadadii isbuucan kulan Taariikhi ah ku wada qaatay dalka Singapore, waxeyna aheyd markii ugu horeysay taariikhda oo labo madaxweyne oo kala matala dalalka Kuuriyada Woqooyi iyo Mareykanka ay si toos ah isku hor fariistaan. Waxeyna kulankooda kadib gaareen is afgarad hordhac ah, kaas oo la sheegay in lagu xakameyn doono koritaanka awooda hubka nukleyka ee wadanka Kuuriyada Woqooyi.

Xildhibaanada Frp ee Donald Trump u sharaxay bilada nabada aduunka ayaa sheegay inay rabaan iney dhiirigaliyaan sii socoshada wada hadaladaas, si ugu danbeyn loogu gaaro guul wax ku ool ah.

Xigasho/kilde: NRK

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments