Ustaad Abdullahi Elmi Ibrahim. (Bergen)

Waxaan ku gudajirnaa todobaadkii ugu danbeeyay sanad dugsiyeedka 2017 -2018 ee Norway. Waxaana lagu gudajiraa isu diyaarinta fasaxa xagaaga. Ardayda, macaliminta iyo waalidiinta ayaa ismacsalaameynaya.

Waxaa taas dhinac socoda soo dhaweyn iyo wareysiyo lala yeelanayo waalidiinta iyo ardayda bilaabi doonta sanad dugsiyeedka soo socda(2018 – 2019).

Sida caadiga ah waalidiinta waxay goobjoog ka noqdaan wadahadlaka lala yeesho ardayda fasalka 1aad bilaabi doonta. Su’aalaha qaar waxaa la weydiiyaa waalidka, kuwana si toos ah ayaa loo weydiyaa ilmaha dugsiga bilaabi doona.

Waxaan sidaa daraadeed la kulmay waalidiin ka cabanaya in ubadka la weydiiyay su’aalo aan munaasib ahay, sida hooyo iyo aabe ama qof kale ma ku dilaa/garaacaa iyo kuwa kale oo la mida.

Haddaba su’aalahaan waxay welwel iyo walaac ku abuureen waalidiin badan oo dareemaya in baaritaano lagu haayo.

Markii dhawr waalidiin ah ii shegeen arrintaan waxaan ku sameeyay baaritaan si wax looga ogaado sababaha keenay.

Waxaa isoo baxday in xeer cusub soo baxay oo faraya iskuulada gaar ahaan ruuxa qaabilansan cafimaadka(kalkaalisada caafimaad) inay weydiiyaan su’aalo badan oo ay ka midyihiin dilka/garaaca, isticmaalka maandooriyahay iyo iwm. Su’aalahaan kuma wajahno cid gooni ah laakiin waa wax cidkasta la weydiinayo.

Maxaa keenay xeerka noocaan ah?

Waxaa la sheegay in dad badan ay shegeen in yaraantoodii dhibaatooyin loo geysan jiray cid ka wareystayna aysan jirin. Haddaba waxaa la leeyahay si loo ogaado dhibaatooyinka jira waa in la badiyaa wareysiyada la xariira gacan kahadalka iyo isticmaalka maan doriyaha iwm.

Qasaare mise faa’iido?

Gacan kahadalku sidiisaba waxaa la isla ogol yahay inuu dhaawac iyo dhib leeyahy, carruurta la garaaco ama ladilana ay u keento saameyn iyo dhibaato la soo deristo xagga maskaxda iyo jir ahaanba.  Marka in xooga lasaara ka hortaga arrintaan waa wanaagsan tahay. Haddii ruuxu ogyahay in ubadka la weydiindoono su’aala nuucaan ah waxaa dhici doonta inuu qofku xoog saaro inuu keeno farsama kale oo uu ubdakiisa ku edbiyo.

Dhibaatada xeerka cusub waxaa ka mida qaabka ubadka loo weydiinayo, sida aan ognahay qababka ubadka wax loo weydiiyo ama su’aalaha la weydiyaa inta badan waa su’aalo jawaabohoodu noqonayaan HAA ama MAYA. Tusaale ahaan haddii la weydiiyo hooyo iyo aabe ma ku dilaan waxaa dhici karta in ilmaha yari ku jawaabo HAA iyadoon ujeedadu ahay inuu yiraahdo HAA. Haddaba taas ayaa laga yaabaa inay kala shaki iyo tuhun keento.

Maxaa waalidiinta la gudboon?

Waxaa aad muhiim u ah in aan fahano in dilka ama garaaca ubadku shar mahee khayr usan soo kordhineynin, marka waa in ruuxu xal kale keeno kuna qanco. Intii ruuxu u joojin lahaa waa lagu ogaan doonaa waxaa ka wanaagsan inuu joojiyo isagoo ku qanacsan. Taas waxay fursad u noqon kartaa inuu qofku barto qaabab kale oo loo maareeyo edbinta ubadka.

legg igjen kommentar/ ka dhiibo fikirkaaga

avatar
  Subscribe  
Notify of