fredag, mars 29, 2024

Wasiirka isdhexgalka iyo waxbarashada Norway oo ka hadlay arinta Baashe ee NRK

Wasiirka waxbarashada iyo isdhexgalka ayaa hadal ka dhiibtay warbixin ay maalmo kahor tv-ga qarankan Norway ay ka diyaariyeen Baashe Muuse oo ah xildhibaan katirsan golaha deegaanka magaalada Oslo. NRK ayaa warbixintooda ku sheegay in Baashe uu labo si oo kala duwan uga hadlay arinta ku saabsan hadalada ay soo tabiyeen caruur Soomaaliya loo geeyay dugsi quraan. Waxeyna warbixintooda gundhig uga dhigeen labo daqiiqo oo turman oo kamid ah wareysi uu Baashe siiyay tv-ga SNTV.

Wasiirka waxbarashada oo cuskanayo warbixinta NRK ayaa arin khatarteeda leh ku tilmaamay kala duwanaanshaha ka hadalka Baashe ee uu NRK uu qoray. Wuxuuna sii raaciyay kala hadalka arintan ay sii adkeyn karto in wax laga qabto dhibaatadan. Wuxuuna ku daray hadalkiisa inuu aaminsanyahay in  kala hadalka Baashe ay sii adkeyn karto in laga hortago in waalidiintu ay caruurtooda u diraan dugsi quraanada.

Sheekada oo siyaasad isku badashay hada

Bilowgii warbixinta NRK ee ku saabsan hadalka Baashe waxa inta badan xooga la saarayay wareysiga Baashe ee NRK, balse waxaad hada moodaa in sheekadu ay isku badashay arin siyaasadeed oo ka dhaxeyso xisbiyada. Iyada oo Ap lagu cadaadinayo inay iska fogeeyaan hadalka Baashe.

Jon Helgheim oo ah afhayeenka FRP ee arimaha soo galootiga ayaa xisbiga Ap ka codsaday inay iska dheeraayaan hadalka Baashe, wuxuuna xisbiga shaqaalaha, gaar ahaan laantiisa Oslo ka codsaday inay arintan cawaaqib u lahaato Baashe. Wuxuuna raaciyay inay cida ugu horeysa oo ay tahay inay arinta iska fogeeyaan ay tahay soomaalida.

Wasiiradii hore ee soo galootiga dalkan Norway, Sylvi Listhaug ayaa sidoo kale barteeda Facebooga soo dhigtay warbixinta Baashe ee NRK, iyada oo raacisay qoraal ay ku sheegeyso aragtideeda ku aadan kiiska, waxeyna raacisay duritaan ay dureyso xisbiga shaqaalaha.

Xisbiga shaqaalaha gaar ahaan laantiisa Oslo ayaa dhankooda sheegay inay iska fogeeyeen arinta Baashe, hadii ay wax u jiraan sida ay NRK wax u qoreen. Iyaga oo sheegay inay kulan ugu yeereen Baashe Muuse oo katirsan xildhibaanada xisbiga ee magaalada Oslo.

Asad Qaasim: Baashe si aan daacad aheyn ayuu xiriir u sameynayaa

Asad Qaasim oo ah macalin soomaali ah oo Drammen degan ayaa NRK u sheegay in ku raacsanyahay in turjumaada NRK ee wareysiga Baashe uu yahay mid sax ah. Wuxuuna sheegay inay nasiib daro tahay in Baashe uu u hadlo si aan daacad aheyn, uuna soomaalida u sheego wax, norwiijigana uu wax kale u sheego.

Qaasim ayaa sii raaciyay in dhibaatadu ay tahay in Baashe uusan rabin inuu sheego wax ka careysiin kara ama dhibaato u keeni kara dadka doorta ee katirsan soomaalida. sababtaasnaay tahay mida keeneyso inuu sidaas uga hadlo SNTN.

Sidoo kale weebabka ay maamulaan kooxaha kasoo horjeedo soo galootiga ayaa arinta Baashe maalmahan uga hadlayay si aad u weyn, waxeyna xisbiga shaqaalaha, soomaalida iyo muslimiintaba ku tilmaamayeen inay yihiin dad aan lagu kalsoonaan karin oo labo carablayaal ah.

Halkan ka akhri faah-faahinta warbixinta NRK iyo hadalka wasiirka

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x