Maxaa ka cusub kiiska warbixintii NRK iyo Baashe: Maxey warbaahintu qortay

0
109

Isbuucii ugu danbeeyay waxay soomaalida dalkan Norway aad u hadal hayeen warbixin isugu jirto muuqaal iyo qoraal, taas oo TV-ga qarankan Norway ee NRK uu ka diyaariyay Baashe Muuse oo ah xildhibaan ka tirsan golaha deegaanka magaalada Oslo. NRK ayaa warbixintooda ku sheegay in Baashe uu labo qaab oo kala duwan uu uga hadlay arinta ku saabsan jirdilka ay la kulmaan caruurta soomaalida dugsi quraanada loog diro.

Warbixinta NRK kadib waxaa warbaahinta Norway ka bilowday dood ku saabsan soo bandhigista kala hadalka Baashe, iyada oo siyaasiyiin uu kamid yahay wasiirka isdhexgalka iyo waxbarashada ay arintaas ku tilmaameen nasiib daro, iyaga oo Baashe ka codsaday inuu raali-galin ka bixiyo. Waxeyna xisbiga shaqaalaha ee uu Baashe ka tirsanyahay ugu baaqeen inay iska fogeeyaan kala hadalka Baashe, isla markaana ay arintaas cawaaqib yeelato.

Xisbiga shaqaalaha ayaa dhankooda sheegay in arintaas ay tahay mid uusan xisbigu la wadaagin Baashe, iyaga oo sheegay inay tahay mid laga xumaado, hadii ay wax u jiraan sida uu NRK usoo bandhigay. Gudoomiyaha xisbiga Ap ee Oslo ayaa dhankiisa sheegay inuu wada hadal ugu yeeray Baashe.

Baashe Muuse oo adeegsanaya qareenkiisa Arild Humlen ineysan jirin sabab uu Baashe raali galin ku bixiyo, maadaama hadalkiisa laga leexiyay qaabkii uu u yiri, iyo sida uu micnhiisa ula dan lahaa. Waxeyna soo bandhigeen warqad uu Baashe bilo kahor u diray wasiirka waxbarashada Soomaaliya, Cabdirahmaan Daahir oo reer Norway ah, taas oo uu Baashe wasiirka kaga codsanayo in wax laga qabto dugsiyadaas la sheegay in caruurta lagu jirdilo.

Soomaalida dhexdeeda: 

Dhanka kale, dooda ku saabsan arinta Baashe iyo NRK ayaa dood xoogan ka dhex abuurtay soomaalida degan dalkan Norway. Iyada oo ay soo baxeen dad taageersan Baashe, aaminsana in laga gardaranyahay. Dhanka kalena waxaa jiro koox xoogan oo aaminsan in Baashe uu sameeyay arin qalad ah, ayna tahay inuu raali-galin ka bixiyo. Waxaana baraha bulshada, gaar ahaan facebooga ka socdo doodo iyo is uruursi u dhaxeeyo labadan qeybood ee soomaalida ah, kuna kala qeybsan arinta NRK iyo Baashe.

NRK ayaa shaley soo bandhigay warbixin ku saabsan in Baashe barta Facebooga looga sameeyay bog lagu taageerayo, lagu qeexay in NRK ay beegsi shaqsiyeed ku hayaan Baashe. Isla warbixintaas qeyb kamid ah waxaa lagu soo bandhigay Mohamed Cabdulqaadir oo NRK ay sheegeen inuu yahay gudoomiyaha urur lagu magacaabo SOMI-Norway, kaas oo sheegay in Baashe uu qaldanyahay, ayna tahay inuu raali-galin siiyo mujtamaca Norway. (Halkan ka akhri warbixintaas)

Hadii aad isha mariso dooda soomaalida ee arinta Baashe, waxaa markiiba kuu soo baxeyso in dadku ay ka boodsanyihiin meesha ay doodo ka bilaabatay ee warbixinta NRK iyo wareysiga SNTV uu Baashe siiyay. Waxeyna intooda badan xooga saarayaan dood-shaqsiyeed la xiriirta jacleysi ama mucaarad shaqsi gaar ah, waxeyna ku lifaaqayaan dhacdooyin hore oo aan xiriir toos ah la laheyn dhacdada abuurtay dooda ee hada taagan.

Warbaahintu maxey kiiska Baashe ka qoreen shaley iyo maanta(Ku dhufo warbixinta si aad u akhriso iyada oo Norwiiji ah):

  1. Utrop: Trekk deg, Bashe Musse: Bashe Musse, bystyrepolitiker for Arbeiderpartiet i Oslo og talsperson for somaliere dreit på draget denne uken. Men det er ikke derfor han må trekke seg.

  2. NRK: Støttegruppe mener NRK driver heksejakt på Bashe Musse:  Det er opprettet en støttegruppe på Facebook for bystyrepolitiker Bashe Musse (Ap). Gruppen mener NRK har demonisert Ap-politikeren.

  3. Paul Thomas: Nettavisen: Bashe Musse svikter unge somaliere: Alvorlig når en politiker sår tvil om en uhyre viktig og grundig reportasje om mishandling av norsk-somaliske ungdommer i koranskoler i Somalia.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments