torsdag, mars 28, 2024

Libya oo diiday in dhulkeeda laga furo xeryo qoxooti oo lagu xareeyo qoxootiga Yurub usoo tahriibaya

Wasiirka arimaha gudaha dalka Talyaaniga, Matteo Salvini ayaa soo jeediyay in xeebaha koonfureed ee xuduudka uu dalkiisu la leeyahay Libya, laga furo xeryo qoxooti oo lagu uruuriyo soo galootiga raba inay Yurub usoo tahriibaan. Hadalkan ayaa yimid, kadib markii uu Salvini  la kulmay dhigiisa dalka Libya iyo reysulwasaare ku xigeenka Libya.

Reysulwasaare ku xigeenka dalka Libya Ahmed Maiteeq ayaa dhankiisa sheegay in dowlada Libya aysan rabin in dhulkeeda laga furo xeryo qoxooti oo lagu celiyo qoxootiga Yurub u tahriibaya. Isaga oo uu sheegay in Libya ay si lamid ah dalka Italy, dhibaato weyn kasoo gaartay qul-qulka soo galootiga nolol raadiska ah.

Dowlad cusub iyo diidmo cusub:

Xukuumad cusub oo ka kooban isbaheysi midigta fog ah ayaa dhawaan la wareegay awooda xukuumada dalka Talyaaniga. Waxeyna xukuumada cusub diiday in xeebaha dalkaas ay kusoo xirtaan doomaha wada tahriibayaasha raba inay soo galaan qaarada Yurub.

Talyaaniga ayaa maraakiibta maraya xeebaha dalkaas ka codsaday inaysan bad-baadin dadka saaran doomaha tahriibayaasha. Waxeyna ku amreen in cidii badbaadin u baahan ay caawimo weydiistaan ilaalada xeebaha dalka Libya oo ay kasoo shiraacdeen.

Xigasho/kilde: ABC-NYHETER

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x