Xeer ilaalinta Norway oo dalbanaya in wali isbitaalka dadka dhimirka lagu hayo soomaaligii dadka ku laayay Tareen-yaraha Oslo

0
94
Illustrasjonsfoto: Glennstangeland/Wikimedia Commons.

Nin soomaali ah oo 40 sano jir ahaa xiligaas ayaa bishii August ee sanadkii 2005 lagu xukumay in si qasab ah loogu hayo isbitaalka dadka maskax(dhimir) ahaanta u xanuunsan, kadib markii ay maxkamada Oslo ku heshay danbiga dilka haweenay 23 sano jir aheyd oo uu toori ku dilay iyo dhaawaca shan qof oo kale, oo uu isku dayay inuu dilo..

Maxkamada Oslo ayaa goáamisay in ninkan soomaaliga ah aysan maskaxdiisu joogin xiliga uu falkaas geysanayay, waxeyna ku xukuntay in si qasab ah loo dhigo xarunta lagu hayo dadka maskax ahaanta u xanuunsan ee geysta danbiyada halista ah.

In qofka lagu hayo isbitaalka dhimirka ayaan sharciga Norway ka xisaabsaneyn ciqaab,  wuxuuna qofka ugu badnaan halkaas ku jiri kartaa sadex sano markiiba. Xeer ilaalinta Norway ayaa dhowr mar, horey maxkamada Oslo uga codsatay in ninkan soomaaliga ah lagu hayo wali isbitaalka dhimirka, waxeyna markii ugu danbeysay codsi noocaas ah gudbiyeen sanadkii 2015.

Hada ayay mar kale xeer ilaalinta Oslo gudbiyeen codsi ku saabsan in ninkan soomaaliga ah aan laga soo deyn goobta lagu hayo, waxaana amarka codsigaas bixiyay xeer ilaaliyaha guud ee Norway. Ujeedka arintan ayay ku sheegeen in laga hortago falal danbiyeedyo kale oo uu ninkan soomaaliga ah ka geysan karo mujtamaca.

Falkan ayaa ka dhacay gudaha tareenyaraha number 17 (Trikk) ee dhexmara Oslo, xili uu ku sugnaa agagaarka garoonka Bislet ee magaalada Oslo. Dhacadan uu ninkan soomaaliga ah dadka ku laayay ayaa caan ka ah guud ahaan Norway, waxeyna warbaahintu ninkan soomaaliga ah ugu yeertaa «trikkedrapsmann»

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments