Wasiirka cadaalada: Caasimada Oslo ma qaadi karto soo galooti dheeri ah

0
95
Wasiirka cadaalada Norway: Tor M. Wara Foto: First House

Wasiirka cusub ee cadaalada dalkan Norway, Tor Mikkel Wara ayaa Muuqbaahiyaha NRK u sheegay in magaalada Oslo aysan qaadi karin soo galooti kale oo dheeri ah.

Hadalka wasiirka ayaa kusoo aaday xili uu ka hadlayay falalka amni darada ah ee beryihii lasoo dhaafay ka dhacayay xaafadaha ay soo galootigu ku badanyihiin ee magaalada Oslo.

Mikkel Wara ayaa sheegay inay muhiim tahay in daacad laga noqdo helista halka falalka amni darada ah ee ka dhaca magaalada Oslo, isaga oo raaciyay inay soo galooti tiro badan magaalada waqti kooban soo dageen.

Booliska Oslo ayaa isbuucyadii ugu danbeeyay ka hadlayay falal amni daro ah oo kusoo kordhay xaafadaha ay soo galootigu ku badanyihiin, sida Holmlia oo isbuucii lasoo dhaafay uu wiil soomaali ah, mid kale xabad ku dhaawacay.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments