Wargeyska Aftenposten oo wax ka qoray khilaafkii Kheyre iyo Jawaari, ee sababay is casilaamada Jawaari

0
166

Wargeyska Aftenposten oo ah wargeyska ugu weyn dalkan Norway ayaa maanta cadadkiisii kusoo daabacay warbixin uu uga hadlayo khilaafkii dhexmaray reysulwasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre iyo gudoomiyihii hore ee baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Cismaan Jawaari oo labuduba katirsan jaaliyada soomaaliyeed ee Norway.  Khilaafkaas oo is-jiid jiid badan kadib sababay inuu xilka iska casilo Maxamed Cismaan Jawaari, isaga oo sheegay inuu u tunaasulay danta dalka.

Aftenposten ayaa qoraalkeeda ku xustay in labadan masuul ee soomaali norwiijiga ah uu mid walba dhinaciisa watay xubno taageersan, taas oo hadii uu khilaafku sii socon lahaa sababi kartay in xaalada siyaasadeed ee iyo dhismaha dowlada Soomaaliya ay soo gaarto dhaawac baaxad leh. Beesha caalamkuna ay arintaas si aad ah uga wel-welsaneyd, ayna cadaadis ku saareen labada dhinac inay xal gaaraan, inta aysan howshu sii fogaan.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments