Warbixin uu NRK ka diyaariyay Baashe Muuse oo lagu sheegay inuu si kala duwan uga hadlay arinta dugsi quraanada

0
106

TV-ga qarankan Norway ee NRK ayaa maalin kahor soo daayay warbixin muuqaal ah oo ay ka diyaariyeen Baashe Muuse oo katirsan golaha deegaanka magaalada Oslo. Warbixintan ayay NRK ku sheegeen in Baashe Muuse oo katirsan xisbiga shaqaalaha ee Ap uu labo si oo kala duwan uga hadlay arinta ku saabsan jiritaanka dhibaatooyinka ay sheegteen caruurta Soomaaliya dugsi quraanada loo geeyay. Waxeyna warbixintooda gundhig uga dhigeen wareysi uu Baashe siiyay wariye Hassan Raasto oo ah wakiilka SNTV ee Norway. (Halkan ka daawo wareysiga)

NRK ayaa sheegay inay adeegsadeen labo turjumaan oo kala duwan, kuwaas oo turjumay in hadalka Baashe uu ka yiri SNTV uu ka duwanyahay kan uu horey ugu sheegay wareysi uu siiyay NRK.

Baashe Muuse ayaa dhankiisa sheegay in warbixintiisa la saaray turjumaad aan sax aheyn, isaga oo raaciyay in turjumadaas ay sawir aan sax aheyn ay ka bixineyso waxa uu ka yiri ama ka aaminsanyahay arinta ku saabsan dhibaatooyinka ay la kulmaan caruurta dugsi quraanada loo geeyo Soomaaliya. Wuxuuna raaciyay in nuxurka aragtidiisa ku aadan arintan uu wareysiyada ka siiyay NRK iyo SNTV ay isku mid yihiin.

NRK ayaa sidoo kale soo bandhigay warqad qoraal ah oo uu baashe usoo diray NRK, isaga oo ku faah-faahinayo waxa uu ka aaminsanyahay turjumadaas la saaray muuqaalka wareysiga uu siiyay NRK, wuxuuna sheegay in warbixintan ay tahay mid la qaloociyay.

Xisbiga shaqaalaha, laantiisa Oslo: Waa wax lala yaabo

Gudoomiyaha xisbiga shaqaalaha qeybtiisa Oslo ayaa isaga oo ka hadlayo warbixinta NRK sheegay in arintan tahay wax laga xumaado, uuna wadahadal ugu yeeray Baashe.

Halkan ka akhri warbixinta NRK iyo wareysiga SNTV

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments