Wafdi ka socdo laanta socdaalka Soomaaliya oo la kulmay UDI-da iyo booliska Norway

0
140

Waxaa bilowga isbuucii lasoo dhaafay dalkan Norway booqasho ku yimid wafdi ka socdo laanta socdaalka iyo jinsiyadaha dowlada Soomaaliya, wafdigaas oo uu hogaaminayay madaxa laanta socdaalka, Maxamed Aden Koofi.

Sida ay qortay radio Muqdisho oo ku hadasho afka dowlada federaalka ah ee Soomaaliya, wafdigan ayaa Norway u yimid ka wada hadalka iskaashi dhexmara laamaha socdaalka Soomaaliya iyo Norway. Waxeyna la kulmeen agaasinka sare ee UDI-da, taliska booliska Norway iyo xarunta bixinta kaararka aqoonsiga muwaadiniinta.  Wafdigan ayaa sidoo kale kulamo la qaatay wasaarada cadaalada dalkan Norway.

Dowlada Norway ayaa tababar u fidiso shaqaalaha laanta socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya, waxaana dalalka Norway dhowrkii sano ee ugu danbeeyay marar kala duwan kusoo noq-noqday madaxda laanta socdaalka Soomaaliya. Generaal Cabdulaahi Gaafow oo ahaa taliyihii hore ee laanta socdaalka ayaa labo mar Norway kusoo noqday, halka Taliyaha hada ee Koofina uu marayo markiisii labaad.

Norway ayaa dhowrkii sano ee ugu danbeeyay bilowday inay garoonka Aden Cadde ee magaalada Muqdisho ay si toos ah uga dajiso dadka ay u diido sharciyada magangalyada iyo dadka gala danbiyada kala duwan, laguna amro inay dalka isaga baxaan.

Ka sakow soo noq-noqshada madaxda laanta socdaalka iyo tababarka ay dowlada Norway u fidiso shaqaalaha laanta socdaalka, waxaa jiro shaki badan oo ku aadan in dowlada Soomaaliya ay heshiis dib u celin qarsoodi ah kula jirto dowlada Norway.

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments