Solberg oo ka deyrisay xaalada xaafada Stovner

0
140

Reysulwasaaraha dalkan Norway, Erna Solberg oo uu wehelinayo wasiirka cadaalada iyo amniga Norway, Tor Mikkel Wara ayaa shaley booqasho ku tagay xaafada Stovner oo kamid ah xaafadaha ay soo galootigu ku badanyihiin magaaladan Oslo.

Solberg ayaa booqatay saldhiga booliska Stovner, waxaana looga warbixiyay xaalada xaafadaas oo bilihii ugu danbeeyay ay ka socdeen falal amni daro ah, kuwaas oo badankood ay ka danbeeyay dhalinyaro ay waalidkood soo galooti yihiin.

Reysulwasaaraha ayaa sheegtay in xaalada amni ee xaafadaas ay kasii dartay, ayna joogto meel ka hooseyso meeshii ay sanad kahor joogtay, booliskuna ay qaadeen talaabooyin dhowr ah oo arintaas looga hortagi doono.  Iyada oo raacisay inay muhiim tahay in si dhaqso ah loo gudo galo helitaanka xalka arintan, dhanka kalena ay muhiim tahay inaan laga bad-badin dhibaatada, si aysan u yeelan saameyn ka badan tan runta ah.

Erna Solberg ayaa qirtay in arinta ugu culus ee ka danbeyso falal danbiyeedyada xaafadaas ay tahay qoysas badan oo soo galooti ah, kuwaas oo xaafadaas kusoo guuray. Ayna jirto sababo dhaqaale oo qeyb ka ah falal danbiyeedyada ka dhacaya halkaas.

Dooda ku saabsan falalka amni darada ah ee Oslo ka socdo ayaa abuuray dood culus oo ka dhex taagan siyaasiyiinta iyo xisbiyada Norway, doodaas oo intooda badan ku sal leh soo galootiga Norway degan.

Xigasho/kilde: NRK

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments