Safiirka iyo ergeyga Norway ee Soomaaliya oo la kulmay madaxweyne Farmaajo

0
147
Foto: Twitter/NorwayinSomalia

Safiirka dalkan Norway ee Soomaaliya, Victor Rønnebergs iyo ergeyga gaarka ah ee wasaarada arimaha dibbada u qaabilsan Soomaaliya, Vebjorn Heines ayaa xarunta Villa Somaliya kula kulmay madaxweynaha DFS, Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Boga Twitterka ee safaarada Norway ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowlada Norway ay taageersantahay, ayna garab taagantahay ajendaha dowlada federaalka ah ee Soomaaliya. Norway ayaa kamid ah wadamada dhaqaalaha ugu badan siisa dowlada dhexe ee Soomaaliya, waxeyna tababaro kala duwan siisaa shaqaalaha wasaaradaha dowlada iyo xafiisyada madaxda dowlada.

Ergeyga gaarka ah ee wasaarada arimaha dibadda Norway u qaabilsan Soomaaliya, Vebjorn Heines ayaa dhawaan xilka ka wareegay ergeygii hore ee Jens Mjaugedal.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments