Oslo: Xildhibaan dhalinyarada ku wacdinaya luuqada ay fahmaan: Hees Rap ah

0
130

Jan Bøhler waa xildhibaan katirsan xisbiga shaqaalaha iyo baarlamaanka Norway, wuxuuna horey u ahaan jiray gudoomiyaha Ap ee Oslo. Bøhler ayaa dhawaan soo saaray hees ah nooca ay dhalinyarada aadka u dhageystaa ee Rapka, isaga oo uga digayo dhalinyarada ka mid noqoshada kooxaha sameeyay falalka amni darada ah.

Xildhibaankan ayaa sheegay in dhalinyaradu aysan akhrin qoraalada maqaalada warbaahinta lagu daabaco, sidaas darteed uu u sameeyay heestan rapka ah, si uu ugala xiriiro luuqad ay fahmi karaan.

Jan Bøhler ayaa sheegay in ay heesuhu ay kamid yihiin waxyaabaha saameynta weyn ku leh aragtida qofka dhalinyarada ah, isaga oo qiray in heeso badan oo ay dhalinyaradu dhageystaan ay xambaarsanyihiin fariin ku saleysan cunfi iyo dagaal. Ayna dhalinyarada usii jiidaan geysashada falal amni daro. Sidaas darteedna ay muhiim tahay in la helo heeso xanbaarsan fariin kale oo ka duwan heesha Rapka caadiga ah.

Halkan ka daawo heesta xildhibaankan: 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments