Nyheter/Warcusub Oslo: Wafdi ka socdo heyádda socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya oo Oslo ku sugan 8. mai 2018 Foto: Radio-MuqdishoMaxamed Aaden Jimcaale «Koofi» iyo Frode Fong. Sida ay warbaahinta NorSom News kasoo xigatay ilo xog ogaal ah, waxaa magaalada Oslo isbuucan soo gaaray wafdi ka socdo heyádda socdaalka iyo jinsidaha Soomaaliya, wafdigaas oo uu hogaaminayo madaxa heyádda socdaalka, Maxamed Aden Koofi. Wafdigan ayaa la sheegay inay Norway u imaaday qaadashada seminaaro iyo tababar ku saabsan howlaha socdaalka, waxeyna kulamo la qaadan doonaan heyádda socdaalka dalkan Norway ee UDI-da. Bishii May ee sanadkii hore ayaa sidoo kale waxaa Norway socdaal ku yimid wafdi ka socday laanta socdaalka Soomaaliya, iyaga oo kulamo la qaatay madaxda iyo shaqaalaha heyádda socdaalka dalkan Norway. Bilo kadib waxaa magaalada Muqdisho gaaray shaqaale iyo saraakiil katirsan UDI-da Norway, kuwaas oo sheegay inay soo hubinayeen qaabka ay Soomaaliya u bixiso baasaboorada iyo waraaqaha aqoonsiga qofka. Norway ayaa horey u sheegtay inay Soomaaliya ka saacideyso dib u dhiska hey´addaha qaabilsan socdaalka iyo jinsidayaha. Relaterte innlegg UDI: Waxaan dib u dhiska ka caawinaa hey´ada socdaalka iyo Jinsiyadaha dowlada Soomaaliya. Norway oo xarun cusub u dhiseyso hey´adda socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya. Wafdi ka socdo Norway oo hubinaya qaabka ay Soomaaliya u bixiso documentiyada oo Muqdisho tagay. Norway oo wafdi u direyso shirka London ee looga arinsanayo Soomaaliya RELATED ARTICLESMORE FROM AUTHOR Nyheter/Warcusub Bergen: Soomaalida Bergen oo markii ugu horeysay heshay musharaxiin gole deegaan. Nyheter/Warcusub TV2: Haweenay Norwiiji ah oo magangalyo ka heshay Poland: Waxey ka carartay barnevern. Nyheter/Warcusub Ilhaan oo jawaab kulul siisay Donald Trump legg igjen kommentar/ ka dhiibo fikirkaaga Subscribe Notify of new follow-up comments new replies to my comments Wararkii hore Nyheter/Warcusub Ardey soomaali ah oo dhigata iskuulka Os oo qayb weyn ka... 26. april 2016 0 Ardey dhigata iskuulka Os ayaa xaflad dhaqan iyo isdhex gal ah kaga yaabsaday dhamaan dadkii kasoo qaybgalay. Xafladan oo ay ka qaybgaleen caruur ardey... Sweden: Takooris ma ahan, hadii laguu diido in fasax laguu siiyo... 3. august 2017 DFS: Denmark waxey aqoonsatay baasaboorka diblumaasiga soomaaliga ah. 10. september 2018
legg igjen kommentar/ ka dhiibo fikirkaaga