NRK: Booliska Oslo oo qof cusub usoo qabtay falkii lagu dhaawacay 18-jirka Soomaaliga ah

0
92

Booliska Oslo ayaa xabsiga dhigay qof cusub oo lala xiriirinayo falkii xaafada Holmlia lagu dhaawacay 18-jirka soomaaliga ah labo isbuuc kahor. Horey waxaa falkan ugu eedeysnaa 21 sano jir soomaali ah, kaas oo ay boolisku ku eedeeyeen inuu ahaa qofkii falkaas ka danbeeyay.

Lama oga saameynta qofkan cusub oo ay boolisku soo qabteen uu ku leeyahay dhacdadan lagu dhaawacay 18-jirka soomaaliga ah. Balse booliska ayaa 21-jirka soomaaliga ah ee xabsiga kujira horey ugu eedeeyay fal isku day dil ah.

21-jirka soomaaliga ah ayaa qirtay inuu isagu xabada riday, balse wuxuu sheegay inuusan uga dan laheyn inuu wax ku dilo, wuxuuna iska fogeeyay danbiga isku deyga dilka ah oo ay boolisku kusoo eedeeyeen.

Booliska ayaa horey u sheegay inay jiraan 2 ilaa 3 qof oo dhacdadan lug ku lahaan karo, waxeyna raaciyeen inay tuhunsanyihiin in falkan uu xiriir la leeyahay dhacdooyin hore oo xaafada horey uga dhacay.

Xigasho/kilde: Klasse-kampen/NRK

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments