Gudiga gurmadka reer Norway iyo masaajidka Towfiiq ayaa maalinta beri ah mar kale magaalada Oslo ka sameyn doono howlgal lacag uruurin ah, kaas oo loogu taburuci doono dadka ay fatahaada wabigu ku waxyeeleen magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Gudiga ayaa sabtidii hore lacag uruurin ka sameeyay magaalada Oslo iyo magaalooyin kale, iyada oo maalintii beri ahna mar kale lagu celin doono howlgalka lacag uruurinta.

Gudiga ayaa dhamaan soomaalida Oslo, gaar ahaan dhalinyarada ka codsanayo inay maalinta beri ah kamid noqdaan koombo-qaadayaasha, isla markaana ay xoogooda ku kaalmeeyaan walaalaha reer beledweyne ee dhibaateysan.

Waxaa beri aroortii lagu kulmi doonaa Towfiiq, wixii faah-faahin ahna, kala fiiri sawirka hoose.

legg igjen kommentar/ ka dhiibo fikirkaaga

avatar
  Subscribe  
Notify of