Ergeyga Norway ee Soomaaliya oo la kulmay Gudoomiyaha gobolka Banaadir

0
166
Foto: RadioMuqdisho

Ergeyga gaarka ah ee dowlada dalkan Norway u qaabilsan Soomaaliya, Vebjorn Heines ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay gudoomiyaha Gobolka Banaadar, ahna duqa magaalada Muqdisho, Cabdirahmaan Cumar Yariisow.

Gudoomiyaha gobolka Banaadar ayaa dowlada Norway uga mahadceliyay mashaariicda ay ka fuliso magaalada Muqdisho:

“Dalka Norway wuxuu Soomaaliya ka taageeraa arimaha horumarinta, waana waddan aan leenahay xiriir wanaagsan, waxaana safiirkooda ka wada hadalnay sidii ay gacan nooga siin lahaayeen dhanka dib-u-dhiska, gaar ahaan dhismaha Studiom Muqdisho, dib-u-casriyeynta nalalka ku shaqeeya Cad-ceedda iyo sidii aan xal ugu heli lahayn dadka magaalada ku soo barakacay”.

Danjiraha Norwey u fadhiya Soomaaliya Vebjorn Heines ayaa dhankiisa sheegay in dalkiisu uu sii wadi doono taageerada dhinacyada kala duwan ee uu siiyo Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha amniga Banii’adamnimada, dib-u-heshiisiinta iyo dhismaha hay’adaha dawladda.

Xigasho/kilde: RadioMuqdisho

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments