onsdag, april 24, 2024

Denmmark: Wasiirad soo jeedisay in muslimiinta sooman aysan shaqeyn, oo canbaareyn weyn la kulantay

Wasiirada arimaha soo galootiga Denmark ayaa la kulantay cambaareeyay weyn, kadib markii ay ku baaqday in Musliimiinta dalkeeda kunool ay ka baaqsadaan shaqada inta lagu gudo jiro bisha barakaysan ee Ramadan. Iyada oo taas ku sababeysay in dadka sooman, isla markaana shaqeynaya ay bulshada khatar u horseedi karaan.

Wasiirada oo lagu magacaabo Inger Stojberg, kuna caan ah siyaasada adag ee soo galootiga in dadka soomaan saacadaha tirada badan, isla markaana qabanaya shaqooyinka bulshada, ay halis ku noqon karaan badbaadada dadweynaha ay u shaqeynayaan. Wasiiradan ayaa sheegtay in dadka soomaan ee tusaale ahaan wada baaburta dadweynaha iyo kuwa ka shaqeeya isbitaallada ay dhibaatooyin u horseedi karaan bulshada ay u shaqeynayaan.

Shirkadda Arriva oo kamid ah shirkadaha ugu waaweyn ee gacanta ku haya busaska dadweynaha Denmark ayaa sheegey inay jirin wax shil ah oo uu sababay qof sooman, ama aysan jirin dhibaato kale oo ay kala kulmaan muslimiinta u shaqeeya ee sooman. Waxeyna wasiirada ku eedeeyeen iney abuureyso xaalad cabsi iyo xiisad aan meesha oolin.

Ururka midowga muslimiinta dalka Denmark ayaa dhankooda sheegay in dadka muslimiinta ah ay yihiin dad qaan gaar ah, oo garanaya waajibaadka ay shaqadu ka rabto, iyo gudashada waajibka bisha Ramadan.

Siyaasiyiinta dalka Denmark ayaa wasiirada ugu baaqay inay raadiso xalinta dhibaatooyinka dhabta ah ee jira, intii ay abuuri laheyd kuwa cusub oo aan jirin.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x