Denmark: Soomaali ku eedeysan kamid noqoshada Al shabaab oo Aarhus maxkamad lagu soo taagay

0
170

Nin 24 sano jir asal ahaan soomaali ah ayaa maalintii shaley aheyd maxkamad uga bilaabay magaalada Aurhus ee dalka Denmark. Ninkan ayaa ku eedeysan kamid noqoshada ururka Al shabaab oo lagu eedeynayo inuu kamid ahaa mudo sanad iyo bar ah.

Dacwad oogaha ninkan soomaaliga ah dacwada kusoo oogaya, ayaa sheegay in danbiyada lagu heysto ay kamid yihiin inuu tababaro, ay kamid yihiin tababar ciidan uu ka qaatay ka qaatay ururka al shabaab, kaas oo ah mid lagu fulin karo weerar argagaxiso.

24-jirkan soomaaliga ah oo ilaa bilowga sanadkii 2017 u xirnaa dowlada Denmark dhankiisa iska fogeeyay eedeynta lagu soo eedeeyay kamid noqoshadiisa ururka Al shabaab oo loo aqoonsanyahay mid argagaxiso.

Dhageysiga maxkamada ninkan soomaaliga ah ayaa socon doonto dhowr isbuuc, waxaana lagu wadaa inuu xukunka maxkamadu uu imaado bisha Juni. Ninkan soomaaliga ah ayaa hadii lagu helo danbiga lagu eedeeyay, muteysan karo ciqaab xabsiyeed gaari karta ilaa 10 sano.

Xigasho/kilde: DR.DK

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments