Booliska Mareykanka oo toogasho ku dilay haweeney soomaali ah oo xanuunsan

0
116

Booliska dalka Mareykanka ayaa toogasho ku dilay Haweenay 36 sano jir soomaali ah, taas oo aheyd qof maskax ahaan u xanuunsan. Haweeneyda ay boolisku dileen ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Shukri Cali Siciid.

Labo nin oo katirsan booliska magaalada ATLANTA ayaa la sheegay inay haweeneydan soomaalida toogasho ku dileen, kadib markii ay diiday inay dhigto mindi ay wadatay. Booliska ayaa sheegay in lala soo xiriiray telefoonka gurmadka deg-dega ah ee 911, kadib markii ay dad soo sheegeen inay jirto haweeney mindi wadato oo noloshooda khatar ku ah. Ayna markii ay goobta soo garen ay isku dayeen dhowr mar inay minida ka dhigaan, kahor inta aysan toogan.

Jaaliyada soomaaliyeed ee dalka Mareykanka ayaa arintan ka muujiyay argagaxa, waxeyna sheegeen in boolisku ay ku deg-degeen toogashada haweenaydan xanuunsaneyd, ayna heli kareen farsamo kale oo ay mindida uga dhigaan.

Golaha muslimiinta Mareykanka ayaa iyagana dhankooda ku baaqay in booliska dalkaas la siiyo tababar ku aadan qaabka loola tacaamulo dadka qaba xanuunada dhimirka, toogashada xabuduna aysan mar walba aheyd xalka keli ah ee qofka loo adeegsan karo.

Booliska ayaa dhankooda sheegay inay sameyn doonaa gudi arinta baara, soo hubinaya in boolisku ay adeegsadeen talaabada saxda aheyd ee ku habooneyd ka hortagista xaalada haweeneydan ay dileen oo la xaqiijiyay inay qabtay xanuun xaga dhimirka ah.

Xigasho/kilde: CBSNEWS

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments