Ap: Waxaan qiimeyneynaa in xero qoxooti laga furo wadan sadexaad, si uusan qofku Norway magangalyo uga codsan

0
87
Foto: Skjermpdump/VGTV

Afhayeenka arimaha soo galootiga ee xisbiga shaqaalaha dalkan Norway, Masud Gharahkhani ayaa sheegay in xisbiisu uu qiimeynayo qorshe ku saabsan in xero qoxooti laga furo wadan kale, halkaasna lagu qaabilo dadka raba inay Norway magangalyo weydiistaan, lana joojiyo suurtogalnimada in qof uu magangalyo ka codsado gudaha Norway.

Xisbiga Socialdemokraterne ee dalka Denmark oo mabda´ ahaan ay isku dhowyihiin xisbiga shaqaalaha Norway ayaa horey u meelmariyay qodob noocan oo kale ah, inkasta oo ay ka dhalatay dood aad u balaaran. Wuxuuna xisbigaas meelmariyay in guud ahaanba la joojiyo dadka lagu qaabilayo Denmark, taas badalkeeda la sameeyo xeryo qoxooti oo dadka magangalyo doonka ah ay tagaan, intii ay Denmark imaan lahaayeen.

Masud ayaa dhankiisa sheegay in xisbigiisu uu qiimeynayo meelmarinta qodobkaas oo kale, isaga oo sheegay in loo baahanyahay nidaam is wadi kara iyo siyaasad cusub oo ku saabsan soo galootiga, iyada oo la dhinac mareyn xeerarka caalamiga ah ee qoxootiga.

Xisbiga FRP ayaa horey usoo dhaweeyay arintan, iyaga oo sheegay in xisbiyo badan ay hada soo fahmayaan wixii ay iyagu ka hadli jireen sanado badan kahor.

Xigasho/kilde: Aftenposten

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments