Xisbiyada dowlada oo isku waafaqsan in la ciqaabo waalidka ilmihiisa uga soo tago wadamada dibada

0
91
Foto: Skjerdump/nrk

Xisbiyada dowlada ee Høyre, Frp iyo Venstre ayaa isku waafaqsan in la sameeyo xeerar lagu adkeynayo in waalidka soo galootiga ah ay ilmahooda kaga soo tagaan wadamada dibada, iyaga oo aan raali ka aheyn.

Arintan ayaa daba socoto warbixino taxane ah oo warbaahinta dalka Norway ay sanadkii ugu danbeeyay ka qorayeen caruur soomaali ah, kuwaas oo dib loogu celiyay Soomaaliya, si ay quraan usoo bartaan. Qaar kamid ah dhalinyarada la celiyay oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay lasoo kulmeen jirdil iyo ciqaab.

Sadexdan xisbi ayaa wargeyska Aftenposten u sheegay inay baarlamaanka keeni doonaan hindise sharciyeedyo iyo soo jeedimo lagu adkeynayo in waalidku uu ilmihiisa uga soo tago wadan kale, halkaasna ay kula kulmaan jirdil iyo ciqaab maskaxeed. Waxeyna qeexeen inay muhiim tahay in waalidka arintaas ku kaca loo helo xeerar lagu ciqaabo karo, si lamid ah waalidiinta kale ee ku xadgudba xuquuqda aas-aasiga ah ee ilmaha, waa sida ay hadalka u dhigeene.

Xisbiyadan ayaa soo jeedimaha ay sheegeen inay soo hordhigi doonaan baarlamaanka, waxaa kamid noqon kara in baasaboorka laga qaadi karo ilmaha looga shakiyo in loo wado safar dibada ah, iyo in taageerada dhaqaale laga jaro waalidka ilmihiisa dibada uga soo tago.

Sidoo kale xisbiga shaqaalaha ee Ap ayaa qaba fikir ah in safaaradaha dibada la siiyo awood ay dhalinyarada dibadda looga soo tago ay siin karaan baasaboor kumeel gaar ah si Norway loogu soo celiyo.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments