Wasiirka horumarinta Norway oo ka qeybgali doono shir looga hadli doono arimaha dhaqaalaha Soomaaliya

0
111
Nicholai Astrup: Wasiirka horumarinta Norway Foto: Stortinget.no
Nicholai Astrup: Wasiirka horumarinta Norway
Foto: Stortinget.no

Sida lagu sheegay war safaaxadeed maanta kasoo baxay dowlada Norway, Wasiirka horumarinta dalkan Norway, Nikolai Astrup ayaa magaalada Washington uga qeybgali doono shir looga hadlayo dhaqaalaha Soomaaliya. Wafdi ka socdo dowlada Soomaaliya, uuna hogaaminayo wasiirka Maaliyada Dr Cabdirahman Beyle ayaa shirka uga qeybgali doono Soomaaliya.

Shirkan ayaa qeyb ka ah shirka sanadlaha ah ee bankiga aduunka oo maalinta beri ah ka furmi doono magaalada Washington.

Norway ayaa kamid ah wadamada deeqaha ugu badan siiya Soomaaliya, iyada oo sanadkii lasoo dhaafay oo kali ah ay Norway Soomaaliya deeq ahaan u siisay lacag kor u dhaafeyso Nus bilyan lacagta dalkan Norway ah.

Norway ayaa sidoo kale lacag ku badan ugu deeqda bankiga aduunka, kaas oo isna dhankiisa ku bixiya maalgalinta mashruucyada horumarineed ee dalalka deeqaha la siiyo.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments