Wasaarada waxbarashada oo markii labaad diiday codsiga furitaanka iskuul hoos-dhexe oo islaami ah

0
223

Hey´adda wasaarada waxbarashada Norway u qaabilsan iskuulada iyo xarumaha xanaanad(UDIR) ayaa markii labaad diiday codsiga furitaanka dugsi hoose-dhexe oo islaami ah. Iyaga oo arintaas ku sababeeyay inay dhibaato ku noqon karto isdhexgalka iyo kamid noqoshada bulsho-weynta, ee ardeyda muslimiinta ah ee iskuulka dhigan doono.

Hey´adda Den muslimske grunnskole ayaa ah codsiga furitaanka iskuulka islaamiga ah ee markii labaad ay diiday heyádda wasaarada waxbarashada u qaabilsan iskuulada iskuulada.

Heyáddan Den muslimske grunnskole ayaa cabasho ka gudbiysay go´aanka diidmada, iyada oo UDIR ay mar kale dib u qiimeyn ku sameyn doonto go´aankaas. Hadii ay ay UDIR mar kale soo celisho diidmada, waxaa go aankaas loo sii gudbin karaa wasaarada waxbarashada.

UDIR ayaa isla sanadkan diiday codsiyada labo iskuul oo kale oo islaami ah oo loo soo gudbiyay.

Norway waxaa ka dhisan ku dhawaad 100 iskuul oo Christiani ah(iskuulo taabacsan), laakiin ilaa hada majirto iskuul islaami ah oo dalkan ka dhisan.

XIGASHO/kilde: Kommunalrapport.no

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments