Sweden: Waalid gabadhooda guur ku qasbay oo maxkamad la saaray

0
183

Waalidka dhalay gabar 13 sano jir ah, oo sheegtay in guur lagu qasbay ayaa lasoo taagay maxkamad ku taal dalka Sweden. Dhacdadan ayaa ka dhacday degmada Värmland sanadkii 2015, xiligaas oo ay gabadhan tagtay xarunta booliska, ayna sheegtay in waalidkeed ay rabaan inay si qasab ah ugu guuriyaan.

Maxkamada ayaa qoyskan ku xukuntay xukun shardiyeysan, maadaama la sheegay in fal danbiyeedka lagu eedeeyay uu ahaa isku day guur qasab ah, isla markaana uusa wali dhicin guurkaas. Qoyskan ayaa asal ahaan kasoo jeedo dalka Siiriya, waxeyna qoxootinimo Sweden kusoo galeen dhowr sano kahor.

Dhanka kale maxkamada ayaa fasaxday wiilka la sheegay in gabadha sida qasabka ah loogu guurinayay, kadib markii uu sheegay inuusan ka warqabin qorshaha waalidka ee qasabka gabadha.

Dhacdadan ayaa ah mid aad looga hadal hayo warbaahinta dalka Sweden, iyada oo ururada u dooda xuquuqda caruurta iyo haweenku ay sheegeen inay muhiim tahay in dowladu ay dhowrto xuquuqda caruurta aan qaan-gaarin ee waalidkood ay guurka ku qasbaan.

Xigasho/kilde: Radio-sverige

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments