SSB: 79% caruurta soomaalida ah ee Norwey ku dhaqan, waxay ku noolyihiin nolol saboolnimo ah

1
2669

Warbixin cusub oo ay dhawaan soo saartay wakaalada tirokoobka iyo xog uruurinta dowlada Norwey ee SSB, ayaa lagu soo bandhigay in caruurta ajaaniibta ah ay guud ahaan kunoolyihiin nolol ka heer hoosayso tan caruurta wadankan u dhashay. Warbixintan ayaa lagu xusay in tobankii caruur ah ee soomaaliyeed ee wadanka ku dhaqanba, ay sideed kamid ah(79%) kunoolyihiin saboolnimo, marka loo fiiriyo heerka nolosha caruuraha kale ee wadanka ku dhaqan. Sidoo kale caruurta Siiriyaanka, Ciraaqiyiinta, afgaanistaanta ayaa iyagana kusoo xiga soomaalida oo ku nool saboolnimo.

Warbixintan cusub ee SSB ayaa tilmaantay in mudo toban sano ah ay labo jibaarantay tirada caruurta soo galootiga ah ee kunool nolosha saboolnimada ah.

Waa tee saboolnimada laga hadlayo, marka Norway la joogo: Halkan ka akhri maqaal arintaas ku saabsan.

Sababaha ugu waaweyn ee saboolnimada caruurta soomaalida keenayso ayay warbixintu tilmaantay inay yihiin: Qoysaska soomaalida oo dhala caruur tiro badan oo shan iyo wax ka badan gaaraya, qarashka soo gala qoysaska soomaalida oo aad yar marka loo fiiriyo tirada caruurta ay haystaan iyo waliba inay yartahay tirada qoysaska soomaalida ah ee uu aabaha iyo hooyaduba ay si wadajir ah u wada shaqeeyaan. Warbixintan ayaa sidoo kale lagu xusay in uu guud ahaan xiriir toos ah ka dhaxeeyo shaqo la aanta waalidiinta iyo saboolnimada caruurta.

Halkan kasii akhri warbixintan oo dhameystiran: ssb.no

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

1 Comment
oldest
newest most voted
Inline Feedbacks
View all comments
Abdihakim
Abdihakim
7 years ago

Aniga waxay ila tahay waalidaka caruurta soomaaliyeed inay u guntadaan sida ugu macquulsan ee ay caruurtooda caruurta kale ula Simi lahaayeen taasuna waxay ku Iman kartaa labada waalid oo shaqeeya iyo ayuutada aan dhamaadka lahayn oo iska daayaan ta kale lacagtan la dirayo waxaan u arkaa biyo fuusto hoosta ka duleesha Lagu shubayo waxaan oran lahaa intaad bil kasta $ 300 ama $ 500 oo dollar diri lahayd xoogaa intaad u aruurisid u dir inay ku shaqaystaana ku gubaabi waayo waxan aad diraysid bil kasta adigu inaad wax tarayso ayaad isu haysataa laakiin waa sii kharibaysaa waayo qof fadhiga in… Read more »