Reysulwasaaraha Norway oo dadka reer Norway ka codsatay inay dhalmada badiyaan

0
175
Foto: CF Wesenberg

Reysulwasaaraha dalkan Norway, Erna Solberg oo shaley khudbad ka jeedineysay shirweynaha qaran ee xisbigeeda Høyre, ayaa bulshada reer Norway u dirtay codsi ah inay badiyaan dhalmada, iyada oo muujisay inay dowladu rabto inay dhashaan caruur badan oo Norwiiji ah.

Dalkan Norway iyo guud ahaan dalalka horumaray ee galbeedka ayaa waxaa hoos usii dhacaya dhalaanka dhasha sanadkii, iyada oo ay dhanka kale sii badanayaan dadka waayeelka ah ee howlgabka sii noqonaya.

Heerka dhalmada Norway ayaa xiligan mareysa meeshii ugu hooseysay, iyada oo lamaanaha Norwiijiga ah ay isku cel-cels ahaan dhalaan 1,6 ilmood(wax yar labo ilmood), iyada oo loo baahanyahay in lamaanahu ay dhalaan 2,1( 2 ilmood) ugu yaraan, si taranka bulshadu uusan hoos ugu dhicin.

Reysulwasaaraha Norway ayaa hadalkeeda ku muujisay baahida loo qabo inay bataan tirada dhalaanka Norwiijiga ah ee dhashada, iyada oo sheegtay in taas ay u fiicantahay dalkan Norway.

Xigasho/kilde: VG(HALKAN KASII AKHI WARKAN)

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments