Foto: Heiko Junge / NTB scanpix

Sida lagu sheegay warbixin kasoo baxday heyádda wasaarada arimaha dibadda Norway u qaabilsan deeqaha caalamiga ah, Soomaaliya ayaa sanadkii lasoo dhaafay deeq ahaan Norway uga heshay lacag dhan 547 milyan oo lacagta dalkan Norway ah.

Soomaaliya ayaa ah wadanka shanaad ee lacagta deeqda ah ee ugu badan ka heshay Norway.

Lacagta ugu badan ee deeq ahaan loo siiyo Soomaaliya ayaa ah mid ay dowlada Norway sii mariso heyáddaha caalamiga ah sida kuwa Qaramada Midoobay iyo ururada Norwijiiga ah ee ka shaqeeya gargaarka.

Xigasho/kilde:Bistandaktuelt.no

 

legg igjen kommentar/ ka dhiibo fikirkaaga

avatar
  Subscribe  
Notify of