Nin soomaali ah oo ku eedeysan inuu isku dayay dilka boqarada Ingiriiska.

0
192

Aweys Shiikheey oo ah 38 sano jir soomaali ah, heystana dhalashada dalka Holland ayay maxkamad kutaal London ku heshay danbi ah inuu qorsheynayay dilka boqorada Ingiriiska, weerar lagu qaado taageerayaasha kooxda Totenhan iyo dadka Yuhuuda ah ee degan London.

Warbaahinta dalkan Norway ayaa sidoo kale qoreyso in ninkan uu xiriir la lahaa haweeney soomaali ah oo degan dalkan Norway, isla markaana bilo kahor ay heyádda sirdoonka dalkan ka qabatay garoonka diyaaradaha magaalada Oslo. Haweeneyda soomaalida ah ee la sheegay inuu xiriir la lahaa Aweys ayaa lagu magacaabaa Raaqiya Xuseen oo sodomeeyo jir ah.

Sida ay booliska UK sheegeen labadan qof ee soomaalida ah ayaa qorsheynayay inay u baxsadaan dalka Siiriya, si ay uga mid noqdaan kooxda sheegata khilaafada islaamiga ah ee Daacish.

Qoraal loo soo gudbiyey Maxkamadda OLD BAILEY ayaa lagu sheegay inuu Aweys Shiikheey u diray Raaqiya Xuseen bishii Maarso ee sannadkii 2016-u diray lacag dhan 8,400 Dollar, isla markanaa uu bilihii April iyo May ee isla sannadkaasi u kala diray lacagwadarteedu dhamayd 3,600 oo Dollar, waa sida lagu xusay Qoraalka

Uweys ayaa lagu xukumay 8 sano oo xabsi ah, halka haweeneyda soomaalida ah ee Norway degan ay wali kujirto xabsiga, aana lasoo taagin maxkamad.

Xigasho/kilde: ABC-NYHETER

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments