Namdalen: Hooyo soomaali ah oo ku eedeysan dhaawicida gabadheeda oo geeriyootay

0
126
Illustrasjonsfoto: Glennstangeland/Wikimedia Commons.

Sida ay qorayaan warbaahinta lokalka ah ee deegaanka Namdalen, Hooyo soomaali ah oo 28 sano jir ah ayaa lagu soo oogay dacwad danbiyeed ah, dhaawacida gabar 3 sano jir ah oo ay dhashay, taas oo markii danbe u geeriyootay dhaawacyo madaxa kasoo gaaray. Ninka qaba hooyadan ayaa isna lagu oogay dacwad ah inuusan istaajin dhaawaca gabadhan yar ee geeriyootay soo gaaray.

Labadan qof ee soomaalida ah ayaa iska fogeeyay dacwad danbiyeedyada ay boolisku ku eedeeyeen, Iyaga oo sheegay in dhaawacyada gabadha madaxa kasoo gaaray ay ahaayeen kuwo ka dhashay mar ay sariir ka dhacday, Iyada oo horeyna ay gabadhu uga soo dhacday meel barando ah, sida ay waalidku heegeen.

Boolisku ayaa dacwadooda ku sheegay in hooyadu ay ka danbeysay dhaawaca gabadha ee markii danbe sababay inay geeriyooto, ninkeeduna uusan ka qaban, markii danbe uusan booliska ama xarumaha caafimaadka uusan lasoo xiriirin.

Labadooduba waxaa xabsiga la dhigay sanad kahor, balse hooyada ayaa markii danbe si kumeel gaar ah xabsiga looga sii daayay. 24-ka bishan April ayay maxkamadoodu ka bilaaban doontaa, waxaana lagu wadaa inay socoto mudo sadex isbuuc ah.

Gabadhan ayaa isbitaalka St. Olavs hospital ee magaalada Trondheim la keenay 26. Juun ee sanadkii lasoo dhaafay, halkaas oo ay ku geeriyootay sadex maalin kadib.

Qareenka booliska ee dacwada kusoo oogi doono hooyadan soomaalida ah ayaa gal dacwadeedkiisa uu maxkamada ku gudbiyay ku xusay inuu dalban doono in hooyada la geeyo goobaha sida qasabka ah loogu hayo dadka maskax ahaanta u xanuunsan ee danbiyada gala.

Xigasho/kilde: NRK.NO, Dagbladet.no

P4RADIO.NO

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments