(Muuqaalkan daawo): Mararka qaar sharafta ayaa laga hormariyaa cadaalada.

0
97

Bartamihii sanadkii 2016 ayaa saxaafada aduunka oo dhan ay tabisay in howlgal ay ka qeybqaateen wadamo badan oo Yurub ah lagu soo qabtay mid kamid magafayaasha ugu waaweyn ee dadka kasoo tahriibin jiray xeebaha Libya.

Waxaana Bishii Juni ee sanadkaas dalka Italy laga soo dajiyay nin dhalinyaro ah oo magaciisa lagu sheegay Medhanie Yehdego Mered, kuna magac dheer «The general», oo ay booliska Italy sheegeen inuu ahaa maskaxdii ka danbeysay tahriibinta doontii ku dhacday xeebaha Lambadose, ayna ku dhinteen boqolaalka qof ee tahriibayaasha ah.

Ma yahay qofkii saxda ahaa:

Inkasta oo dhamaan laamaha amaanka ee dalalka Yurub ee ka qeybqaatay howlgalkaas ay ku faanayaan inay soo qabteen mid kamid ah raga ugu waaweyn ee dadka soo tahriibin jiray, hadana waxaa gadaal kasoo baxday in ninka lasoo qabtay uusan aheyn magafe, balse uu ahaa nin qoxooti dhalinyaro ah ah oo magaca uun la wadaago ninka ay boolisku raadinayeen.

Ninka dhalinyarada ah ee laga soo dajiyay dalka Italy, hadana ku xiran xabsi kuyaal dalkaas ayaa waxaa la xaqiijiyay in xiliga ay dadka badan ku dhimanayaan Lambadose uu joogay dalka Ereteriya, uuna laftirkiisu ahaa qof nolol raadis ah oo raba inuu Italy usoo tahriibo, kahor inta aan Suudaan lagu qaban.

Barnaamijka Brennpunkt ee NRK ayaa barnaamij baaritaan ah ku sameeyay dhacdadan, waxeyna kusoo bandhigeen cadeymo badan oo kahor imaanaya kiiska dacwada ah ee ninkan lagu heysto. Balse xeer ilaalinta dalka Italy ee ninkan dacwada u heysto ayaa gar iyo gardaraba aaminsan inay soo qabteen qofkii saxda ahaa, maadaama ay howlgalkan galiyeen malaayiin kun oo Yuuro.

Halkan ka daawo Barnaamijka NRK ee BRENNPUNKT

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments