Germany: Sadex qof oo ku dhimatay weerar gaari loo adeegsaday, halka dhaawucu uu labaatan kor u dhaafayo

0
169

Ilaa hada inta ay boolisku xaqiijiyeen, sadex qof ayaa ku dhimatay, labaatameeyo qof oo kalena wey ku dhaawacmeen weerar gaari loo adeegsaday oo ka dhacay magaalada Münster ee dalka Germany. Weerarkan ayaa ahaa mid baabuurka si ula kac ah loo jiirsiiyay dadka dhaawacmay ama dhintay.

Booliska Germany ayaa xaqiijiyay inuu goobta isku isdilay qofka weerarka geystay oo aan ilaa hada la xaqiijin aqoonsigiisa. Iyaga oo sidoo kalena aan ilaa hada wax war ah kasoo saarin ujeedka ka danbeeyay weerarkan iyo cida ku lugta leh.

Magaalada uu weerarka ka dhacay ee Münster ayaa katirsan ismaamul goboleedka Nordrhein-Westfalen ee dalka Germany, waxaana kunool dad gaaraya ilaa 300.000 qof.

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments