(Falanqeyn): M. B. Hønefoss: Soomaalida Norway sidee ayey sabool kuyihiin? Maxaase lagu qiyaasaa saboolnimada Norway?

Qormadan waxaan sharaxaad guud oo kooban kaga bixinayaa saboolnimada ama faqriga, waxaana igu kalifay codsi iiga yimid walaal soomaaliyeed oo jeclaystay faalo hore oo aan arintan horey uga bixiyey oo yarayd, balse uu u arkay inay aheyd aad muhiim.

Saboolnimada haddii aan sharaxaad ka bixiyo ama aan micneeyo waxaa lagu soo koobi karaa : Awood loo waayo in la helo baahida aadamaha ee daruuriga halka ugu hooseeysa sida, cunto,cabitaan iyo hooygaba.

Saboolnimada waxaa loo qaybiyaa laba nooc oo midna uu yahay saboolnimo furan oo aan lahayn xad, taas oo qofku ama bulshadu ay weydo nooc kasta oo ah aasaaska nolosha ah , ilaa ay gaaraan in baahida iyo wax la,aanta darteed ay u dhacdo dhimasho, mararka qaarkood koox koox ah.

Qaybta labaad ee saboolnimadu waa kid xaddidan, waana in qofku ama qaybo badan oo bulshada ka mid ahi aanay awood u lahayn, inay helaan wax badan oo bulshada inteeda kale ay haystaan. Sida caruurtii oo aan haysan qalabka isboortiga, waalidkuna aysan u gadi karin. Iyo caruurta oo aan ka qayb geli karin waxyaalaha caruuraha dhigooda ah ee kale ay sameeyaan xilliyada firaaqada ee iskuulka ka dib.

Faqriga waxaa laa qiyaasaa ama loo qiyaasaa laba siyaalood, oo mid tahay mid maaliyadeed ama hantida xageeda lagu qiyaaso. Waana tan ugu badan oo saboolnimada lagu qiyaaso. Midna waa mid bulsho oo xaaladda guud ee bulshada ayaa laga qiyaasaa, Waxaana laga eegaa daryeelka caafimaad iyo fursadaha wax barasho.

Xagga dhaqaalaha waxaa saboolnimada lagu tilmaamaa ama la yiraahdaa waa sabool qof dakhligiisu ka yaryahay sannadkii 600 oo doolar waa qiyaas caalami ah oo bangiga aduunku adeegsaday natiijadeeda, waxaana heerkaas jooga 45 dal oo inta badani yihiin Afrikaan.

Saboolnimada waxaa keena inta badan arrimo dhowr ah waxaana ka mid ah:

  • Hantida guud oo aan si wanaagsan loo qaybsan

  • Maamul xumo

  • Ku tiirsanaanta cid kale: qof ama dowlad kale

  • Shaqo la,aan

  • Daryeel bulsho oo loo simanyahay oo aan jirin

  • Dagaalada iyo gumaysiga

SABOOLNIMADA IYO NORWAY

Norway waxaa ka jirta saboolnimo ah nooca labaad oo dad badani aysan haysan waxyaalo badan oo bulshada inteeda kale ay haysato. Waxaana jira qaybo dhan oo bulshada ka mid ah oo lagu tiriyo inay yihiin sabool ama dabaqada hoose. waxana kala yihiin:

  • Dhalinyaro yar yar

  • Waalidiin yaryar

  • Waalid keli ah oo carruur haysta

  • Reer ama qoys haysta carruur ka badan 3 ama 4

  • Waayeel galay howl gabnimadii oo da,a ah

  • Soo galeetiga ama ajaanibta guud ahaan

  • Dadka ka xanuunsan xagga maskaxda

Norway maanta waxaa ugu badan oo saboolnimada ama faqriga lagu qiyaasaa caruurta oo ugu yaraan 98,000 oo carruur ah ayaa ku jira heerkaas waxayna u badan yihiin ajaanib.

Dhanka dhaqaalaha waxaa Norway lagu qiyaasaa in qoyska ama guriga uu soo galo dhaqaale ka yar 253,000 ay yihiin sabool. Waxaa taas ka dambaysay warbixin kale oo ah in reerka haysta 4 carruur ah oo dakhligoodu yahay 450,000 ay yihiin sabool.

Taas maaha macnaheedu sabool cayr ah oo nooca hore ah, balse  waa sabool aan awood u lahayn inay helaan ama daboolaan baahidooda oo dhan, marka loo eego bulshada inteeda kale.

SOOMAALIDA IYO SABOOLNIMADA

Soomaalidu saboolnimada ama faqriga waxay u yaqaaniin qof aan manta wax uu cuno haysan, waxaana ay heerkaas soomaalidu gaaraan xilliyada abaaraha iyo masiibooyinka dabiiciga ah. Waxaase dhab ah in soomaalidu ay ka mid yihiin ama lagu tiriyo dunida saboolka ah,haba diideen iyagu e. Bulsho ahaanna soomaalidu ma ictiraafsana inay yihiin sabool oo saboolnimadu waa wax ay ka faanaan aanna la ogolaan. Waxayna kaga baxaan is gacan qabasho iyo waxa ay haystaan oo ay wadaagaan

SOOMAALIDA NORWAY IYO SABOOLNIMADA

Soomaalida Norway waxay ku jiraan dabaqadda hoose, waxaa lagu tiriyaa inay yihiin sabool, marka loo eego bulshada inteeda kale. Sidoo kale caruurta soomaalida ayaa agu tiriyaa  inay ku nool-yihiin nolol heer faqri ama saboolnimo  ah oo sareeysa. Waxaana sabab u ah shaqo la,aan baahsan oo soomaalida haysata, iyaga oo u badan qoysas balaaran oo 4-7 carruur ah haysta, iyo in waalidiin badani ay haystaan iyaga oo keli ah carruur yaryar.

Saboolnimada Soomaalida Norway ma aha tan aan la haysan hoy, cunto iyo cabitaan, balse waa saboolnimo aan la awoodin in la helo wax kasta oo bulshada kale haysato. Awoodna uma laha dhammaan soomaalidu inyar mooyee inay daboolaan baahida ay u qabaan wax kasta oo ay bulshada kale ay haystaan.Waxaa Iyana jirta saboolnimo muuqata oo ka jirta xagga guryaha oo qoysasaka soomaaliyeed ma wada haystaan guryo ku filan oo caruurtooda iyo iyaga fursad u siin karta inay u noolaadaan sida bulshada kale.

SIDEE LOOGA BAXI KARAA SABOOLNIMADA?

  • Waxaa looga bixi karaa iyada oo la hagaajiyo siyaasadda dhaqaalaha ee waddamada, lana hagaajiyo maamulka iyo maareeynta, lagana dheereeyo ama ilaaliyo wax isdaba mariska.

  • Waxbarashada jaamacadaha iyo iskuulada oo lagu sameeyo hab wax barasho oo sahli kara in la abuuro fursado shaqo

  • Qoysaska oo la siiyo fursado ay kor ugu qaadi karaan heerka dhaqaale ee noloshooda

  • Iyada oo la helo adeeg bulsho oo la siiyo danyarta, waayeelka, kuwa jiran,kuwa aan shaqayn Karin sababo caafimaad awgood. 

  • Iyadoo la sameeyo iskaashatooyin yar oo wax soo saar sida beero ama warshado yar yar oo ay ka faaidaysan karaa, kuwa aan waxbarashada lahayn.

  • In laga barto lagana faaidaysto aqoonta waddamada heerka ka gaaray la dagaalanka saboolnimada

  • Bulshada oo la baro sida ay waxa ay haystaan u tashiishaan, una isticmaalaan waxii daruuri ah la iskana ilaaliyo loofarnimada badan ama xoolaha oo lagu ciyaaro.


W.Q: Maxamed Bashiir Hønefos.


Hadii aad rabto inaad fikirkaaga, aqoontooda, aragtidaada ama hamigaaga aad la wadaagto bulshada soomaaliyeed ee Norway, waxaad qoraalkaada noogu soo aadin kartaa: NorSomnews@gmail.com

[adsenseyu2]

legg igjen kommentar/ ka dhiibo fikirkaaga

Bli den første som kommenterer/dhiibo fikirkaaga

avatar
  Subscribe  
Notify of