XYS:Ethiopian Airlines: Oslo to Hargeysa: Qiimaha fra 4100 Nok: Shan maalin isbuuc walba

0
318

Diyaaradda Ethopian Airlines ayaa sanadkan bilowday duulimaadyo toos ah oo taga magaalada Hargeysa ee jumhuuriyada Somaliland, kana baxa magaalooyinka Oslo iyo Stocklom. Waxeyna duulimaadyadaas baxaan shan maalin oo isku xigta isbuuc kasta.

Diyaaradda ka baxda magaalada Oslo ayaa ku hakata Stocklom(qofka Oslo ka raacay diyaaradda kama baxayo), waxeyna subixii si toos ah uga dageysaa magaalada Adiss ababa, iyada isla markaaba ay garoonka kugu sugeyso diyaaraddii aadi laheyd Hargeysa oo maalin walba baxda. Maalinta aad  Oslo ka baxdo, subaxeeda waxaad joogtaa Hargeysa iyo Somaliland.

Qofkii raba inuu howlo ka qabsada Adiss ababa ama uu sii salaamo qaraabo halkaas degan, wuxuu heli doonaa fursad ah inuu maalmo kusii hakado Adiss ababa, isla markaana uu markii uu doono Hargeysa usii gudbi karo, iyada oo wax lacag dheeri ah laga qaadi doonin.

Qofkii ka baxaya Oslo ee u socdo Hargeysa waxa uu xamuul ahaa xaq u leeyahay inuu qaato isku dar 69 KG(Sadex jibaar wax ka badan diyaaradaha kale).  Qiimaha tigidka Oslo-Hargeysa ayaa ah mid wax badan aad uga raqiisan diyaaradaha kale, waxa uu hada yahay  6500 NOK(Diyaarada ugu raqiisan ee Afrika aada) .

Tigidhka diyaaradda Ethopian Airline ee Hargeysa tooska ah, waxaad ka dalban kartaa: www.ethiopianairlines.com ama waxaad booqan kartaa xarunta diyaaradda ee Oslo: Øvre Slottsgate 6. Sidoo kale waxaad tigidka Ethopian Airlines aad ka heli kartaa dhamaan xarumaha lagu iibiyo tigidhada ee soomaalida ah.

Ethopian Airlines waxa ay xubin ka tahay isbaheysiga diyaaradaha ee Star Alliance, taas oo ka dhigan inaad raaci karto diyaaradda SAS, aadna isla markaaba ku badalan karto Ethopian Airlines, adiga oo hal tigidh adeegsanaya. Waxaad sidoo kale ku heleysaa raacitaanka diyaaradahan BONUS( Abaal marin) iyo qiimo dhimis.

Ethopian Airlines waxa kale oo ay leedahay barnaamij qiimo-dhimis oo diyaarada gaar u ah, kaas oo lagu magacaabo Sheba Miles. Waxa qofka loo xisaabinayaa tirada masaafada uu diyaaradda la safray, iyada oo hadhow aad ku heli doontid tigidh bilaash ah ama xamuul dheeri ah oo bilaash ah.

Shirkadda Ethopian waa mid kamid ah shirkadaha diyaaradaha ugu caansan aduunyada, waxa ay dhowr mar ku guuleysatay biladda diyaaradaha ugu fiican Afrika.  Dhamaan diyaaradaha ay adeegsato shirkaddu waa kuwo cusub, oo uusan qofku ku daali doonin dhex joogooda, xitaa hadii ay masaafadu dheertahay.

Qofkii u socdo dhulalka kale ee soomaalida Sida Muqdisho, Boosaaso, Cadaado, Gaalkacyo, Kismaayo ama Baydhabo, waxa uu si toos ah uga dagi karaa magaalada Hargeysa, waxa uuna halkaas kasii qaadan karaa diyaaradaha madaniga  ah ee soomaalida. Waxaad ka reysan doontaa inaad isbuucyo sugtid diyaaradaha kale ee isbuucii hal maalin ka baxa Oslo.

Wixii faah-faahin ah ee ku saabsan khadka Oslo-Hargeysa ama guud ahaan diyaaradda, waxa aad kala xidhiidhi  kartaa xafiiska Ethopian Airlines ee magaalada Oslo:

47 219 50 269 ama kala booqo Boga: Ethopian Airlines.no

Xafiiska Oslo ee Ethopian Airlines: Øvre Slottsgate 6, 0157 Oslo

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments