Dowlada Iceland oo Mahad Abiib dib ugu soo celineyso Norway

0
126
Foto: Wardoon.net

Sida aan kasoo xiganay wakaalada wararka wadankan Norway ee NTB, dowlada Iceland ayaan aqbalin racfaan uu Mahad abiib ka gudbiyay go aan diidmo ah oo laga siiyay codsi magangalyo oo uu dalkaas weydiistay. Taas oo sida ay NTB sheegtay ka dhigan in dib loogu soo celin doono Norway.

Bishii Janaury ee sanadkan ayuu Mahad diidmo ka helay codsiga magangalyada dalka Iceland oo uu tagay dhamaadka sanadkii lasoo dhaafay ee 2017. Wuxuuna diidmadaas ka gudbiyay racfaan, taas oo iyadna hada laga siisay diidmo, sida uu TV2 u xaqiijiyay qareenkiisa, Arild Humlen.

Arild Humlen ayaa sheegay inuu codsan doono in dib loo dhigo ka saarista Mahad Abiib ee dalka Iceland. Maxkamada racfaanka Mahad ee dalkan Norway, ayaa loo balansanyahay dhamaadka sanadkan aan kujirno ee 2018.

Xigasho/kilde: Dagsavisen/NTB

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments