Ardeyda soomaalida ah ee dhigata jaamacada Stavanger oo dhaqanka soomaaliyeed kusoo bandhigay maalinta Afrika

0
303

Ardeyda soomaaliyeed ee dhigata jaamacada magaalada Stavanger ayaa hiddaha iyo dhaqanka qowmiyada soomaalida kusoo bandhigay munaasabad loogu magacdaray maalinta Afrika(Afrikan Day).

Munaasabadan oo sanadkan la qabtay markii ugu horeysay ayaa waxaa ka qeybqaatay ardey iyo dad ka kala socdo ilaa 20 wadan oo Afrika ah. Waxaana kasoo qeybgalay dad gaaraya dhowr boqol oo isugu jiro ardey, dadka magaalada Stavanger degan iyo marti sharaf laga casuumay magaalooyinka kale.

Cabdullahi Calason oo kamid ah golaha deegaanka magaalada Kristiansand, kana gudiga heyádda Racfaanka ee UNE ayaa kamid ah martida munaasadan lagu casuumay.

Cabdiraxmaan Cumar oo kamid aa ardeyda Jaamacadda Stvanger ayaa NorSom News u sheegay in ardeyda soomaalida ah ee jaamacada Stavanger ay si fiican uga qeybqaateen munaasabadaas, ayna soo bandhigeen quruxda iyo wanaagsan dhaqanka soomaalida ah, sidoo kalena ay keeneen cunto soomaali ay la dhaceen dadkii kasoo qeybgalay.

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments