(Xusuusin): Waqtiga hal saac ayaa lasoo hormarin doonaa habeenka axada.

0
344

Axada ugu danbeysa bisha Maarso, waxey sanad walba bilow u tahay waqtiga xagaaga(sommerka ama xiliga kuleylaha). Sidaas darteed, waxaa habeenka axada ah ee nagu soo aadan caawa(25-Maarso 2018) Waqtiga ama saacada wadamada Norway iyo guud ahaan Woqooyiga Yurub, waxaa lasoo hormarin doonaa hal saac.

Habeenka axada ah marka ay saacadu tahay 02:00  habeenimo, waxaa waqtiga horey loo dhigayaa, iyada oo saacadu ay noqon doonto 03:00. Maadaama waqtiga saacad lasoo hormariyay, waxaa dheeraan doono maalinta ama inta ay qoraxdu banaanka joogto.

Saacadaha digitalka ah ee ku xiran mobilada ama computerada, iyaga ayaa si toos ah isku badalo. Laakiin saacadaha ku xiran darbiyada guryaha, xafiisyada ama baabuurta waa in la badalaa oo hal saac dib loo dhigaa.

Hadii aad tahay waalid dhalay caruur dhigata iskuul, ama aad subaxa isniinta shaqo u kalaheyso, xisaabta ku darso(maanka ku hay) in waqtigii uu isbadalay.

Sidoo kale wuxuu isbadal weyn ku imaan doonaa xiliyada saaladaha, gaar ahaan xiliyada la tukado salaada jimcaha.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments