Xisbiga Sp oo taageersan in kalsoonida wasiirnimo lagala noqdo wasiirada cadaalada Norway

0
166
Gudoomiyaha Sp: Trygve Slagsvold Vedum

Xisbiga Sp oo kamid ah xisbiyada waaweyn ee mucaaradka ayaa ku biiray xisbiyada taageersan in mooshin kalsooni kala noqosho ah laga keeno wasiirada cadaalada Norway, Sylvi Listhaug. Xisbiyada Ap, Sv, MDG ayaa horey u taageersanaa mooshinkan oo markii hore ka yimid xisbiga Rødt.

Gudoomiyaha xisbiga Sp ayaa maanta sheegay in reysulwasaaraha Norway, Erna Solberg ay ku qasbantahay inay raadsato wasiir cadaalad oo cusub, hadii ay rabto inuu istaago mooshinka laga keenay Sylvi Listhaug.

Dhanka kale xisbiga kale ee KRF ayaan wali cadeyn fikirkooda ku aadan kalsooni kala noqoshada laga keenay Listhaug, inkasta oo madax badan oo KRF katirsan ay sheegeen ineysan kalsooni ku qabin Listhaug.

Rajada Listhaug ee ku aadan inay sii heyso xilka wasiirnimo ayaa u muuqato mid aad u sii wiiqmeyso, waxeyna arintan guud ahaan dharbaaxo ku tahay xukuumada ay hogaamiso Solberg.

Xigasho/kilde: VG.NO

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments