Xaqiijin: UDI-da oo kulan labaad soomaalida la qaadaneyso.

0
217

Isbuucii ugu danbeeyay waxaa nala soo weydiinayay su aalo la xiriira kulan warbixineed la sheegay inuu dhexmari doono soomaalida iyo hey’adda socdaalka iyo jinsiyadaha dalkan Norway ee UDI-da.

Waxaan la xiriirnay Knut Holm oo katirsan UDI-da,isaga oo noo xaqiijiyay in 8-da bishan Maarso oo ku beegan maalinta khamiista ah ee isbuucan aan ku gudo jirno, uu dhici doono kulan dhexmari doono soomaalida iyo shaqaalaha UDI-da, si ay warbixin uga kala qaataan arimaha la xiriira sharciyada, kuwaas oo khuseeyo soomaali badan.’

KNUT ayaa sheegay inay su aalo tiro badan ka helaan kiisaska la xiriira soomaalida, sida dib u qiimeynta magangalyada, sharciyada dhalashada ay dib ula noqdaan, degenaanshaha iyo qoysaska isku dacwoonaya. Sidaas darteedna ay go aansadeen inay kulan fool ka fool ah la qaataan soomaalida, si ay uga jawaabaan su aalaha ay qabaan.

Waxaan isku daynay inaan fursad u helno inaan Live u tabino kulanka, si ay uga faa iideystaan soomaalida kale ee ku dhaqan magaalooyinka Oslo ka baxsan, balse wuxuu sheegay in arintaas aysan suurtogal dhankooda ka aheyn, sababo jiro owgood.

Kulanka dhexmari doono soomaalida iyo UDI-da ayaa ka dhici doono xarunta bisha cas ee magaalada Oslo( Hausmannsgate 7).  Wuxuuna bilaaban doonaa saacada 17:00′

 

 

 

 

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments